WararkaWaxbarashada

60-kun oo Cinwaan oo Laga Helayo Bardhigga Buugaagta Caalamiga ah ee Riyadh

 

Bandhigga Caalamiga ah ee Riyadh waxaa ka qaybgalaya sanadka 500 oo xarumood oo buugaagta faafiya kuwaas oo soo bandhigaya buugaag 60-kun oo cinwaan oo kala duwan wata, waxa uu bilaabanayaa Arbacada soo aaddan, sanadkan waxaa halkudhag u ah “Buuggu waa Mustaqbalka Horumarka iyo Isbedelka”, waxaanuu soconayaa illaa Maarso 24-keeda.

Wasaaradda Dhaqanka iyo Warfaafinta Sucuudiga ayaa Axaddii sheegtay in bandhiggan cusubi uu socon doono muddo 10-cisho ah “Waxaa lagu soo bandhigi doonaa 60-kun oo cinwaan oo buugaag kala duwan ah,  dhammaan faracyada kala duwan ee aqoonta ah da’ kasta loogu talaggalay iney akhristaan.”

Sanadkan waxaa bandhigga marti-sharaf ku ah dowladda Imaaraatka oo baryihii dambe ay aad iskugu dhawaayeen Sucuudiga.

Bandhigga waxaa barbar socda siminaarro doceedyo ay bixinayaan qoraaga buugaagta, waxaa kale oo jiri doono cilmiyeed, bandhig gabayeedyo iyo goobo ay qoraagu buugaagtooda ugu saxiixi doonaan dadka iibsada.

Maamulaha guud ee bandhigga Cabdiraxmaan binu Naasir al-Caasimi ayaa tilmaamay in sanadkan waxyaabaha uu bandhiggu kaga duwan yahay sanadadii lasoo dhaafay uu yahay inuu jiro tartan dhanka Tarjumaadda ah oo ay ka qaybgalayaan mutarjimiin farabadan oo Sucuudiyaan ah, si loo dardargeliyo dhaqaaqa aqoonta ee Boqortooyada.

Waxaana bandhigga inta uu socdo abaalmarinno kala duwan lagu guddoonsiin doonaa, saddex mashruuc oo kaalin muhiim ah ka qaatay iney dadku wax akhriyaan, “Si bulshada loogu dhiirigeliyo iney aqoontooda kobciyaan wacyiga bulshadana ay kor ay kor u qaadaan.”

Maandeeq FM

Related Articles

Close