WararkaWaxbarashada

Kaamirada “Ilaalada” oo Lagu Xiray Gudaha Masqulaha Jaamacad Caan ah.. Ardaydu Sidey Uga Falceliyeen.. Maamulkuse Maxay Ku Macneeyeen?

 

Ardayda Kulliyadda Pharmacy-ga ee Jaamacadda Alexandria ee caanka ka ah gudaha dalka Masar ayaa ay lama filaan ku noqotay kadib markii ay kaamarooyin qarsoon ku arkeen masqulihii ay ku xaajoonayeen, arrintaas ayaa dhalisay caro aad u ballaaran.

Ardayda ayaa ka codsaday maamulaha Jaamacadda Dr. Cusaam al-Kurdi in baaritaan lagu sameeyo horjoogaha Kulliyadda Dr. Khadiija Ismaaciil, si loo ogaado sababihii ku kallifay iney arrintan sameyso iyo wixii keenay iney xorriyadooda gaarka ah ku xadgudubto.

Kulliyadda ayaa qiratay in albaabada masqulaha lagu xiray kaamirooyinka si loo ogaado cidda galeysa ama ka baxaysa, sababihii keenayna ay ahayd xatooyo farabadan oo loo gaystay agablkii masqulaha!.

Jaamacadda Alexandria ayaa waxay ka mid tahay jaamacadaha ugu caansan uguna faca weyn gudaha dalka Masar, sumcad ballaaranna ku leh dunida Carabta, waxaa la aas-aasay sanadkii 1938, waa xilligii uu xukunka dalkaa uu hayay Boqor Faaruuq.

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close