WararkaWaxbarashada

Maamulka Trump oo Si Rasmi ah Ugu Dhawaaqay Tallaabooyin Ammaanka Iskuullaadka Lagu Adkaynayo

 

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa ku dhawaaqay tallaaboooyin uu ku dardargelinayo ammaanka iskuulaalka, kuma jirto in da’da hubka lagu iibsan kar loo qaado oo la gaarsiiyo 21-jir sidii horey loo filayay.

Tallaabooyinkan ayaa waxaa ku jira in shaqaalaha waxbarashada la-tababaro oo la hubeeyo qaar ka tirsan macallimiinta. Tallaabooyinkan ayaa imaanaya kadib dhacdadii bil ka hor ka dhacday magaalada Florida ee ay ku dhinteen 17-qof, 14 kalena ay ku dhaawacmeen, intooda badanina ay ardayda ahaayeen.

La-taliyaha golaha siyaasadda gudaha ee madaxweynaha Mareykanka Andrew P. Bremberg ayaa yiri, waxaan ka shaqeyn doonnaa inaan ammaan buuxa oo adag u abuurno dadka Mareykanka, waxaan tababarro wanaagsan oo sida hubka loo adeegsada ah siindoonnaa shaqaalaha u diyaarsan ee ka howlgala iskuulaadka.

Sida Aljazeera ay sheegtay, Mas’uul kale oo xukuumadeed oo diiday in magaciisa la xuso ayaa yiri, waxaa jira barnaamijyo badan oo daafaha kala duwan ee waddanka ka socda si tababar heersare ah loo siiyo shaqaalaha ka howlgala iskuullaadka, sida ay hubka u ridi lahaayeenna la barayaa.

Maandeeq FM

Related Articles

Close