arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Bisadda “Achilles” oo Si Rasmi ah u Saadaalin Doonto Ciyaaraha Koobka Adduunka ee 2018

 

Afhayeen u hadlay mutxafka Hermitage oo la yiraahdo Maria Haltunen ayaa tiri bisadda “Achilles” waxay si rasmi ah ugu diyaarsan tahay iney saadaaliso natiijada ciyaaraha Koobka Adduunka ee 2018.

Achilles ayaa horey u saadaalinaysay natiijooyinka hordhaca ah ee Koobka Qaaradaha Adduunka ee ugu dambeeyay ee lagu qabtay dalka Ruushka.

Bisaddan ayaa sida afhayeenku sheegtay ka qaybggali doonta howlo samafal ah, sida; iney booqoto guryaha waayeellada, xanaanooyinka caruurta si ay u bartaan bisaddan caanka ah.

Si kastaba, horey ayaa waxaa saadaalinta ciyaaraha Adduunka uga qaybqaatay Maroodi, Akhtabuut, robot iyo bisad oo ah tan hadda sida rasmiga ah loogu dhawaaqay iney saadaaliso ciyaaraha Koobka Adduunka 2018.

Maandeeq FM

Related Articles

Close