WararkaWaxbarashada

Gabar yar oo La Guddoonsiiyay Abaalmarinta “Nuclear Physics” ah

 

Xubno ka socday Jaamacadda ugu weyn dalka Mexico “Jaamacadda wadaniga ah ee madaxa banaan” ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaanno (UNAM), ayaa waxay abaalmarin guddoonsiiyay kulliyadda Nuclear Physics ah gabadh yar oo Brazil u dhalatay oo 9-jir ah.

Ardayddan oo la yiraahdo Xóchitl Guadalupe Cruz López ayaa noqotay cilmibaarihii ugu da’da yaraa ee ku guuleysata abaalmarin “Nuclear Physics”.

Xochitl iyo aabeheed waxay si wadajir ah u sameeyeen, biyo kulayliye ku shaqeynaya tamarta  qorraxda oo laga sameeyay maaddooyin sahlan oo looxaan iyo tubbooyinka qaboojiyaashu ay ku jiraan.

Waxaa la saarayaa dusha sare ee guriga, waxaanuu maalintii kululaynayaa 10-litir oo biyo ah, iyadoo lacagtiisu aaney ka badneyn $10(Toban dollar oo qura).

Gabadhan yar ayaa sheegtay iney biyo-kulileeyahan ugu talagashay dadka dakhligoodu hooseeyo, waxayna tilmaantay iney ku talajirto sidii ay ku soo saari lahayd biyo kululeeye aad uga weyn kan ay hadda soo saaraan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close