WacyigelinWararkaWaxbarashada

4-tan Xaaladood “Cudaddaarka” Iska Ilaali Saameyntiisa Taban Darteed

 

Dadka qaar waxay badiyaan cudaddaarka [cudur-daarka], sida; iney yiraahdaan waan ka xumay inaan ku dhibo, waan ka xumay waan soo illoobay, arrintaas oo saameyn taban ku yeelaneysa dabeecadda qofka oo sida uu moodayo si ka duwan ay dadku u arkayaan.

Website-ka “FB.RU” ee dalka Ruushka laga leeyahay ayaa ka digaya raadka xun ee uu reebi karo cudaddaarka joogtada ah ee faraha badan, 4 xaaladood ayaase ugu siid daran:

  1. Marka aad Hadal codsaneyso:

Kulamada mihiimka ah iyo shirarka waaweyn, marka uu qofku doonayo inuu hadlo, qof uu su’aal waydiiyo ama uu ka qeybqaato dood socota, haddii  hadalkaaga aad ku bilaawdo cudaddaar “Waan ka xumahay” iyo wax la mid ah maaha wax wanaagsan, maxaa yeelay; waxaad ka cudaddaarataa meesha ma yaallaan, waa iska caadi inaad su’aal qof waydiiso ama dood furan aad ka qeybqaadato.

  1. Adigu Waxaad tahay qof aan naftiisa ku kalsooneyn

Haddii qof maamule ah amaba shaqaale ah uu ka cudaddaarto shay aanuu hubin, “Ma hubo laakiin waan ka xumahay”, dadka kale waxay u arkayaan inuu yahay qof aan naftiisa ku kalsooneyn, waxaa fiican inaad arrintaa ka hortagto, waa inaad ka qeybqalayaasha u mahadceliso oo aad shaqadaada horey ka bilaabato.

  1. Markaad tabineyso akhbaarta xun

Maaha inaad ka cudaddaarato markii shirkadaada laga diido bandhig ay sameysay, waa inaad tiraahdaa “Macmiilkeenna waxwalba waan u sameynnay laakiin isagaa diiday bandhiggeenna.”

Erayga “Waan ka xumahay” waxa uu keenayaa in laguu arko inaad ka gaabisay bandhigii aad u sameyn lahayd macmiilkaaga.

  1. Markaad Khaldanto

Waa inaad qaadato mas’uuliyadda khaladka aad gasho, ha cudaddaaran maxaa yeelay; cudaddaar waxba kuuma xalliyo, waa inaad khaldkaaga saxdo oo aad waxwalba bedesho.

Maandeeq FM

Related Articles

Close