WararkaWaxbarashada

Caalimkii Caanka Ahaa ee Dhanka Physics-ka “Stephen Hawking” oo Geeriyooday

 

Waxaa saaka oo Arbaca ah Maarso 14, 2018 la shaaciyay inuu geeriyooday caalimkii Stephen Hawking iyadoo da’diisu ay sii caga-cagaynayso 75-jir.

Bayaan ay si wadajir ah usoo saareen ilmihiisa kal ah; Lucy, Robert iyo Tim oo ay faafisay shabakadda BBC ayaa ay ku yiraanhdeen: “Aad ayaan uga murugeysan nahay geerida Aabbe ee Maanta. Waxa uu ahaa caalim weyn iyo shakhsi aan la heli karin, dhaxalka uu aadanaha uga tagay ayaa sanado badan sii jiri doona.”

Hawking waxa uu ku dhashay Oxford sanadkii 1942 gudaha dalka Ingiriiska, isagoo da’yar ayaa waxaa ku dhacay cudur neerfo ah oo qofka dhaqaaqa ka xaniba, kaas oo markii dambe baraleeys ka dhigay, dhakhaatiirtu waxay markii hore filayeen inuu geeriyoon-doonto 1963, laakiin ‘Alle-dile ayaa dhinta.’

Caalimkan ayaa ku caan baxay dhanka physics-ka oo shaqo wanaagsan uu ka qabtay darteed, waxa uu qoray buugaag dhanka cilmiga ah oo aad dunida oo dhana ugu faafsan, waxaa ka mid ah buuggiisa la yiraahdo “Taariikhda kooban ee wakhtiga” ee uu qoray sanadkii 1988, waxaa buugaa laga iibiyay 10-milyan oo nuskhadood.

Sheekada noloshiisa waxaa laga sameeyay filim la yiraahdo Aragtida shay kastaa yeelan karo “The Theory of Everything”, kaas oo lasoo bandhigay sanadkii 2014, waxaana kaalinta jilitaanka filimka matalay actor-ka la yiraahdo “Eddie Redmayne”.

Maandeeq FM

Related Articles

Close