WararkaWarbixinnoWaxbarashada

Maxay Tahay Sababta Iskuulka “15-May” Loogu Wareejiyay Gobolka Benaadir?

 

Maamulka Gobolka Benaadir iyo Wasaaradda Waxbarashada XFS ayaa maalinimadii shaly kala saxiixday heshiis Gobolka Benaadir uu kula wareegayo adeegyada logistics-ka ah ee uu ubaahan yahay Iskuulka 15-May.

Madax ergada Masar ee maamulka Iskuulka 15-May gacanta ku haya Ustaad Mustafa oo aan khadka taleefoonka kula hadalanay ayaa noosheegay: “Maamulka Gobolka Benaadir waxay Iskuulka ka caawin doonaan uu yahay dhanka adeegyada logistics-ka iyo tarjumaadda, laakiin maamulka waxbarashada iyo macallimiintaba waxaa uu hoos tagayaa ergada Masar”.

Dowladda Masar ayaa ergo waxbarasho oo rasmi ah usoo dirtay Soomaaliya si ay uga qeybqaataan kobcinta Waxbarashada, iyadoo beri-samaadkii ay jireen Iskuulaad farabadan oo ay Masaaridu gacanta ku hayeen oo aqoonyahanno farabadani ay ka aflaxeen, waxaa ka mid ah; Iskuulka Jamaal Cabdinaasir, Xasan-Barsane iyo 15-May.

Tamer Safwat El-Mahdy oo ah Qunsulka Masar ee Soomaaliya oo aan wareysi gaar ah la yeelnnay bilowgii Janaayo 2018, ayaa noo xaqiijiyay iney si tartiib-tartiib ah usoo celin doonaan Iskuulaakii ay horey gacanta ugu hayn jireen, kaaliin wanaagsanna ay ka qaadan doonaan kobcinta waxbarashada Soomaaliya.

Maandeeq FM

Related Articles

Close