WararkaWaxbarashada

Ninkii Ugu Dambeeyay 5tii Duuliye ee Lagu Aasaasay Ciidanka Cirka Soomaaliya oo Geeriyooday

 

Waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday duuliye sare Maxamuud Cabdullaahi Barre (Faytaan), oo caan ka ahaa geyiga Soomaalida, Wuxuu kamid ahaa duuliye-yaashii loogu tashan jiray duullimaadyada dhaadheer ee Somali-Airlines ay ku tagi jirtay Yurub.

Faytaan, waxaa uu ka mid ahaa 5tii duuliye ee lagu aasaasay ciidanka cirka Jamhuuriyadda Soomaaliya isagoona ahaa qofkii ugu dambeyay ee ka noolaa, laysinka duulimaadka diyaaradaha waxaa uu qaatay sanadkii 1954tii, waxa uu ku duulay diyaarado ay wadarteedu kor u dhaafayso 15-diyaaradood oo is kugu jiray milateri iyo rayid.

Duuliye Sare Max’ud Cabdullaahi Barre (Faytaan), waa duuliyihii ugu horreeyay ee dalka Masar kasoo duuliyay diyaarad nooca dagaalka ah ee Jeet-ka ah noocii ugu horreeyay ee ciidanka Cirka Soomaaliya yeesho 1963dii.

Max’ud Cabdullaahi, waxaa uu sidoo kale wax ka aasaasay shirkaddii Somali Airlines, oo ahayd shirkad ay laheyd dowladda Soomaaliya.

Max’ud Cabdullaahi Barre (Faytaan), waxaa uu duuliye ka ahaa Somali-airlines laga soo bilaabo 1964 ilaa 1990kii.

Maandeeq FM

Related Articles

Close