JaamacadahaWararkaWaxbarashada

12-Xaqiiqo oo Ku Saabsan “Stephen Hawking”.. Waxa uu Odorasay In Aadanuhu Dabbargo’ayo 2060

 

Arbacadii shalay waxaa geeriyooday caalimkii dhanka Fiisikiska ee Stephen Hawking, iyadoo da’diisu ay sii caga-cageynayso 75-jir.

Caalimkan ayaa adduunka kusoo kordhiyay aragtiyo muhiim ah oo dhanka cilmiga Physics-ka ah, inta badan ee noloshiisa waxa uu ku qaatay sidii uu dadka u fahamsiin lahaa aragtiyada cilmiga physics-ka ee fahamkoodu dadka kale ku adag yahay.

Hadaba, waxaan idiin soo gudbineynaa 12-macluumaad oo Hawking ku saabsan, waxaa loo aqoonsanaa inuu ka mid yahay culumada ugu caansan dunida dhanka cilmiga physics-ka.

1- Hawking waxa uu ku dhashay magaalada Oxford sanadkii 1642.

2- Sanadkii 1963 waxaa ku dhacay cudur neerfo ah oo keenay markii dambe inuu baraalays noqdo oo dhaqaaqa uu gabo, qalliin dhanka dhuunta ah oo loogu sameeyay ay keentay inuu hadalkiina gabo, waxa uu ku hadli jiray computer daraankiisa tarjuma.

3- Dhakhaatiirtu waxay sheegeen cudurka ku dhacay dartii inuu u geeriyoon doono saddex sano gudahood waa sanadkii 1963, laakiin 2018 ayay tiisa noqotay.

4- Jaamacadda Oxford ayuu wax ku bartay laakiin PhD waxa uu ka qaatay Jaamacadda Cambridge.

5- Waxa uu ka mid noqday culumada Physics-ka kuwooda ugu caansan adduunka waxa uu ahaa safiirka Sayniska, waxa uu ka hadlay waxyaabaha ugu yaabka badan dunida oo ay ka mid tahay “Black holes“.

6- Cilmibaarisyada uu sameeyay waxay ka hadlayeen aragtida Sayniska Dunida, Xiriirka u dhaxeeya Black holes, thermodynamics iyo temporal infiltration xilliga[Waa eray bixinno cilmi ah oo dadka physics-ka bartaa ay yaqaanaan].

7- Sanadkii 1971, waxa uu soo saaray Aragtidiisa  uu Black holes kaga hadlay, aragtidan waxay iska kaashadeen caalimka dhanka xisaabta ee Roger Penrose.

8- Sanadkii 1974, waxa uu sugay oo uu caddeeyay in Black holes-ka ay soo saaraan shucaac, waxa uu kaashaday Quantum mechanics iyo Guanyin dynamics.

9- Waxa uu allifay buug la yiraahdo “Taariikhda kooban ee xilliga”, waxaa buugaa laga iibiyay 10milyan oo nuskhadood sanadkii 1988.

10- Waxa uu leeyahay aragti wax badan ka bedeshay fikirkii Saynisyahannada ee sida uu kownku ku sameysmay, laakiin aragtidiisa weli illaa hadda dood adag ayaa ka taagan.

11- Stephen Hawking, waxa uu aaminsanaa in aaduhu uu dabbargo’yo sanadka 2060, waa haddii aan la helin meel kale oo lagu noolaado, maadaama ilihii kheyraadka ay sii gabaabsi yihiin, dadka dunida joogaanaa ay soo kordhayaan.

12- Waxa uu ka tagay Saddex caruur ah oo kala ah Lucy, Robert iyo Tim

Robert: waa curadka waxa uu dhashay sanadkii 1967-dii, waa ingineer dhanka programming-ka ah, waxa uu u shaqeeyaa shirkadda Microsoft.

Lucy: waa gabadh uu dhalay Hawking, waxay jirtaa hadda 47-sano, waa suxufiyad qoraa ah oo shaqadeeda guulo ka gaartay, waxay wax ku baratay Jaamacadda Oxford waxayna ku takhasustay luqadaha Faransiiska iyo Ruushka. Waxay wax ku qortaa joornaallada ugu caansan adduunka, waxaa ka mid ah; New York Times, Daily Mail, The Telegraph, Times iyo The Gaurdian. Waxay leedahay buugaag ay qortay sida buugga “Jaded” ee ay qortay sanadkii 2004, waxaa kale oo ay qortay “Run for Your Life” sanadkii 2005.

Tim: waa kan ugu yar ee caruurta Hawking waxa uu luqadda Spanish-ka ka bartay Jaamacadda Oxford.

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close