WararkaWaxbarashada

Boqolaal Kun oo Arday oo Iskugu Soo Baxay Mudaharaadyo Ka Dhacay Gudaha Dalka Mareykanka

 

Arday farabadan ayaa mudaaharaadyo ka hordhigay xarumaha waaweyn ee Dowladda Mareykanka ee ay ka midka yihiin Aqalka Cad iyo Congress Mareykanka, si ay u gudbiyaan cabashadooda ku aaddan dhacdooyinka soo noqnoqda ee hubku sababta u yahay ee ka dhaca gudaha Iskuulaadka, dhacdadii ugu dambeysayna ay ahayd tii Florida ee 17-qof ee ardayda u badnaa ay ku geeriyoodeen.

Kumanaan Arday oo kale ayaa iyaguna ku mudaharaaday magaalooyinka kala duwan ee dalka Mareykanka, waxay codsanayaan in tallaabooyin adag laga qaato xakameynta hubka dadka rayidka ah gacantooda ku jira. Mudaharaadkan ayaa waxa uu ka dhacay gudaha Isluullaadka oo ay ka qeybqaadanayeen ku dhawaad 3000 oo Iskuul.

Mudaharaadyadan ayaa imaanaya maal un kadib markii maamulka madaxweyne Trump uu soo saaray qorshihiisa ku aaddan adkaynta ammaanka Iskuulaadka oo ay u muuqato inuu niyad-jab ku abuuray ardayda iyo waalidiin farabadan oo filayay in hubka la xakameyn doono, halka taa bedelkeeda uu maamulka Trump soo saaray qorshe lagu hubaynayo macalliin iyo qaar ka tirsan shaqaalaha waxbarashada tababarro dhibow ahna la siinayo!.

Maandeeq FM

Related Articles

Close