arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Da’yarkani.. Ma Noqon Doonaa Madaxweynahii Muslimka Ahaa ee Ugu Horreeyay Dalka Mareykanka?

 

Yusuf iyo qoyskiisu waxay dagan yihiin gobolka Minnesota ee Ay Soomaalidu ku badan tahay gudaha dalka Mareykanka, markii uu maqlay hadallo kasoo yeeray siyaasiga Jamhuuriga ah ee Ben Carson oo dhahaya “Mareykanka kuma habboona inuu hoggaamiyo madaxweyne Muslim ah.”, arrintaas ayuu aad uga gilgishay, waxaa ka go’an inuu noqdo madaxweynihii muslimka ahaa ee ugu horreeya abid ee maamula Dalka Mareykanka.

Weli waa arday, marka uu waajibaadkiisa waxbarashada guto waxa uu duubaa muuqaallo uu ku bilaabay ol’ole xilli hore ah oo uu doonayo inuu madaxweyne ku noqdo.

Muuqaal ay kasoo duubtay BBC ayuu kaga hadlayaa hamigiisa iyo wixii ku dhaliyay inuu yoolkiisa nolosha ka dhigto sidii uu ku noqon lahaa madaxweynaha Mareykanka.

Yuusuf Duyuur, waa 14-jir, waxaa la dhashay 3 gabadhood iyo wiil, qoyska oo dhan way garab taagan yihiin “Yusuf Madaxweyne u doorta!.” Diyaargarowga koowaad ee ol’olihiisa doorashada oo hadaba bilow ah. Waxa uu yaraantiisii xiiseyn jiray qaabka uu u labisto madaxweyne Bush.

Sanadkii 2015 waxa uu faafiyay muuqaal uu kaga soo horjeedo Ben Carson hadalkiisii ahaa “Kuma talinayo in ummaddan uu maamulo shakhsi muslim ah.”, Yusuf waxa uu sheegay in arrintaasi ay dareenkiisa taabatay:”Waxaan noqon doonaa Madaxweynihii ugu horreeyay ee Muslim ah ee maamula dalka Mareykanka, waanad arki doontaan.”, ayuu Ben Carson ugu jawaabay.

Waxa uu doonayaa ugu horreyn inuu waxbarashadiisa dhameysto: “Waxaan doonaan inaan iskuulkayga dhameysto, markaa kadib waxaan rabaa inaan ku takhasuso Cilmiga Criminology dambi baarista,  waxaan doonayaa inaan tartankeyga ka bilaabo magaalada kadib gobolka, heer federaal markaa kadib Madaxtinimada.”

Waxa uu ka hadlay arrin madax badan ka maqan isagoo ugu dambeyn sheegaya inuu jabin doono record-ka oo sidii Obama uu sameyay oo kale; isna uu noqon doono madaxweynihii Muslimka ahaa ee ugu horreeyay ee maamula dalka Mareykanka:

“Haddii aad dooneyso inaad isbedel sameyso oo aad dadka la hadasho waa inaad ixtiraamtaa, waana midda ka maqan siyaasiyiinta maanta. Obama waxa uu jabiyay teedkii ahaa nin madaw waxba ma noqon karo, anguna waxaa jabin doonaa teedka loo dhigayo in madaxweyne muslim ah uu maamulo dalka Mareykanka.”

Maandeeq FM

Related Articles

Close