WararkaWaxbarashada

Facebook oo Masaxay Xisaab Ay Lahaayeen Koox Xagjir ah oo Muslimiinta Cayda.. Caanbaxoodana Uu Ka Dambeeyay Trump

 

Maamulka Facebook ayaa sheegay iney masaxeen dhowr safxadood oo u furnaa kooxda “Britain First” ee ku caanbaxday dhaqdhaqaaqa Islaam nacaybka ah, kooxdan ayaa muuqaal ay duubeen waxaa bartiisa twitter-ka ku faafiyay madaxwayne Donald Trump sanadkii 2017, waxayna ahayd dhacdo aanuu sameyn madaxweyne hore usoo maray dalka Mareykanka.

Safxaddan ayaa waxaa ku taxnaa 1-milyan oo qof oo daafaha kala duwan ee dunida ku kala nool.

Jariidada “NY Times” ayaa sheegtay in dadka safxadda “Britain First” ee Facebook  maamulaa ay ku xadgudbeen habraaca u yaalla waxyaabaha la faafiyo, waxayna sameeyeen cabsigelin ay dadka Islaamka ku nacsiinayaa “Islamophobia” iyagoo karaahiyo in muslimiinta loo qaado faafiya xaaladduna ay ka gaartay heer ay dadka muhaajiriinta ah ku shabbahaan iney yihiin dad xayawaan ah.

Bayaanka uu Facebook soo saaray ayaa u qornaa sidan: “Si sahlan waxba uma sameynno, laakiin waxay ku sii socdeen faafinta waxyaabo keenaya in la naco dadka tirada yar[Muslimiinta Yurub], arrintaas oo keenaysa inaaney la jaanqaadi karin shuruudaha u dagsan adeegga aan bixinno.”

Kooxda Britain First ayaa NY Times ku macneysay iney yihiin koox masiixiyiin wadani ah, xubnahooduna ay ka badan yihiin 1000-qof, waxay adeegsadaan taktikooyin iska horimaad ah, sida; iney Muslimiinta ku weeraraan waddooyinka, Masaajidda ay galaan, si ay u faafiyaan fikirkooda ay aaminsan yihiin ee ah in Islaamku khatar ku yahay oo uu burburinayo Britain.

Maandeeq FM

Related Articles

Close