CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Caado Ma Kuu Tahay Inaad Subaxdii Hore Mayrato?.. Ogow Marka Hore Macluumaadkan

 

Haddii aad caadaysatay inaad subuxii mayrato, waxaad ogaataa inaad tahay qof nasiib badan, caado faa’iido kuu leh ayaad sameysaa adigoon ka warhayn.

Website-ka Brightside oo warbixin ka qoray qubayska subixii hore la mayrto ayaa soo xigtay daraasad ay soo sameysay Jaamacadda Harvard, daraasaddan waxaa lagu ogaaday in qubayska xilliga hore ee subixii uu caqliga ka caawiyo dhanka fakarka, qofku waxa uu noqonayaa mid ka firfircooni badan sidii hore, waxaa dhici karta inuu kuu horseedo fikir hal-abuur leh oo aad u wanaagsan.

Website-ku waxa uu intaa ku daray, waxaa habboon inaad ku mayrato biyo qabow, laakiin marka ay biyuhu kululyihiin waxay qofka u keeni karaa caajis iyo inuu dib ugu laabato furaashka, maadaama ay xilliga nasashada ku habboon yihiin.

Dhinaca kale, in biyaha kulul lagu qubaysto guud ahaan waa doorasho aan caafimaad ahayn, maxaa yeelay; waxaa laga dhaxlaa harag qalleyl iyo timaha oo dux badan dibadda u soo saara.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close