WararkaWaxbarashada

Ku Dhawaad 2000 oo Arday oo Ka Qeybgashay Doorashada Golaha Fulinta Midowga Ardayda Soomaaliyeed ee Dalka Suudaan.. Magacyada 7-Murashax ee Xilkaa u Taagan

 

Maallinimadii Shalay waxaa dalka Suudaan ka dhacay doorashada Golaha Fulinta Midowga Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta gudaha Dalka Suudaan, waxaa ka qeybgalay ku dhawaad 2kun oo arday waxaan u taagnaa 7-murashax oo u tartamayay xilka Golaha Sare ee Hoggaanka Ardayda.

Cilimi Jaamac oo ka mid ah ardaydii doorashada ka qaybgashay oo aan la hadlay Maandeeq FM ayaa noo sheegay in doorashada ay u dhacday si wanaagsan islamarkaana ay ka qaybgaleen ku dhawaad 2-kun oo arday oo wax ku barta gudaha dalka Suudaan:

“Doorashadu waxa ay ka dhacday Hoolka Shirarka Mara Sudania waxaa ka qeybgalay Arday  Laba Kun ku dhow waxaana isa soo sharraxay Todobo Arday kuwaas oo usoo istaagay Hogaanka Midowga Ardayda Soomaaliyeed. doorashadaan ayaa ah mid sand kasta La qabto waxaana koox kasta haysaa Hogaanka Muddo sanad ah kadibna waxa ay soo shaaciyaan xiliga ay ka dagayaan waxa ayna sameeyaan gudi doorasho oo qabta doorasha cusub iyo xilwareejin.”

Murashaxiinta ayaa xilliga doorashada waxa ay sameeyeen ol’ole xooggan oo ay ku tagayaan xaafadaha ardaydu dagan yihiin si ay uga ol’oleystaan ama ay codka uga helaan.

Safaaradda iyo Jaaliyadda Soomaliyeed ee dalka Sudan ayaa ka qaybqaatay waxa ayna door muuqda ku yeeshaan hanaanka doorasho ee dhacaysa iyana waxaa meesha ka marneyn dowlada Sudan gaar ahaan waafidinta oo ah nidaam ay ku hoos shaqeeyaan midowga ardayda Soomaaliyeed ee Sudan .

Sandkaan waxaan Dhameystirmin Kooramkii loogu talaggalay doorashada waxaana dhiman golihii sharci-dejinta iyadoo murashaixiinta taagani ay kusoo wada bixi doonaan golaha fulinta oo qura, laakiin natiijada kadib la fili doono in si gaar ah loo xulo guddiga Shuurada.

Doorashada Ururka Midowga ardayda Soomaaliyeed ee dalka Suudaan ayaa waxay ku soo dhamaatay jawi wanaagsan,iyadoona lagu wado natiijada doorashada in lagu dhawaaqo maalinimada berri ah.

Magacyada Ardayda Xilka u Taagan

  1. Cusman Xasan Cali Xaydar
  2. Maxamed Ibraahim Isaaq (Mujahid)
  3. Maxamed sheikh nuur ( Maracade)
  4. Abduqadir Cabdullahi Faarax (Suldaanka)
  5. Ayuub abdi Barise
  6. Salad Abdi
  7. Axmed Qanuni

Si kastaba, Ururkaan ayaa la aasaasay  1976-dii qarnigii tagay waxaana hoggaankii ugu horreeyay ka noqday Cabdiraxamaan Tuur, madaxweynihii ugu horreeyay ee Somaliland, siyaasiyiin kale oo haatan saaxada siyaasada qaarkood ku sii jiraan, sida; Muungaab guddoomiyihii hore ee Gobolka Benaadir iyo Odwaa; wasiirkii hore ee arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close