arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

50-Milyan oo Qof oo La-Jabsaday Xogtooda.. “Xadgudubkii Ugu Ballaarnaa Abid Taariikhada Facebook”

 

Labada Jariidadood ee kala ah “New York Times” iyo “Observer” ayaa Sabtidii sheegay in shirkadda “Cambridge Analytica” ee ku takhasustay baaritaannada xogaha Internet-ka ay uruurisay macmuulmaadka in ka badan 50-milyan oo ka mid ah dadka Facebook adeegsada, si xogtaa ay uga faa’idaystaan ol’olaha doorashada ee Madaxweyne Trump sanadkii 2016.

Labadan joornaal ayaa soo xigtay qaar ka mid ah shaqaalaha Cambridge Analytica iyo la-taliyayaal hore uga tirsanaa shirkadda, waxaana ay daaha ka rogeen xadgudibkii xogha ee abid ugu ballaarnaa taariikhda Facebook.

Shirkadda Facebook ayaa Jimcihii sheegay iney hakisay xisaabta Facebook uga furan shirkadda Cambridge Analytica, kadib markii la hubsaday in shirkaddaasi ay ku xadgudubtay siyaasadaha xogaha gaarka ah.

Christopher Wylie, oo horey uga soo shaqeeyay Cambridge University ayaa waxa uu yiri, barnaamijkan xogaha lagu jabsaday waxa uu keenayaa in dadka xogtooda la-helay lagu beegsado xayaysiimo [Siyaasadeed oo gaar ah si codkooda hadhow si fudud loogu helo]

Si kastaba, dadka la beegsaday ee xogohooda Facebook la-jabsaday ayaa gaaraya 50-milyan oo qof oo ah saddex meelood oo meel dadka sida wanaagsan u isticmaala Facebook Waqooyiga-Mareykanka, waa dad ku dhaw 1/4 dadkii la filayay iney doorashada Mareykanka ka qaybgalaan xilligaas.

Maandeeq FM 

Show More

Related Articles

Close