WararkaWaxbarashada

Isku Tashiga Dadka Deegaanka Camaara.. Maxay Qabsadeen? Maxaa u Harsan oo Aaney Dowlad Uga Maarmeyn?

 

Deegaanka Camaara oo ka mid ah deegaannada hoostaga degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug, ayaa waxaa ka socda horumarro dhanka adeegyada bulshada ah oo ay sameysteen dadka deegaanka, waxaana hadda socda qorshe lagu dhisayo xarumo cusub oo muhiim u ah dadka deegaankaasi oo uu ka mid yahay isbitaal weyn oo deegaanku yeesho, iyadoo la-filayo in dib loo soo celiyo adeegyadii guud ee bulshada ka dhaxeeyay.

Cabduqaadir Axmed Salaad oo ka mid ah Guddiga deegaanka Camaara oo la hadlay Goobjoog media [oo Maandeeq FM ay ka tirsan tahay] ayaa sheegay iney dhanka waxbarashada ka haqabtirtay “Iftiin” oo dugsi hoose/dhex iyo sare u sameysay deegaanka, laakiin halka ay ka liitaan ay tahay caafimaadka iyo biyaha nadiifta ah:

“Horta waxbarashada “Iftiin” way ka jirtaa, dugsi sare iyo dugsi hoose/dhexe aad iyo aad ayay uga shaqeeyaan, Jaamacad bas ayaa ka dhiman, balse 100% waxaan ka liidannaa waa xagga caafimaadka iyo biyaha nadiifta ah, Maxaa yeelay; ceelal waaweyn ma lahan, ceelal yaryar oo iska wasakh ah oo ceel-gacmeed ah ayay leedahay.”

Waxa uu ka hadlay in isbitaalweyn uu hadda kala bar u marayo, waxa isku xilqaameyna ay yihiin dadka deegaanka oo qura, haddii la garab istiaagaya ay u baahan yihiin in horumarka lagu caawiyo:

“Isbitaalweyn waa laga dhisay oo dadka deegaanka ayaa dhexda u xirtay isaga naftarkiisa taakulo waan u rabnaa haddii aan u helaynno, adduunka waan u sheegnnay hadana waan u sheegaynnaa, isbitaalkaasi waxa uu marayaa meel kala bar la dhihi karo, M.C.H-kii isagoo xiran ayuu ku yaallaa oo qalabkiisii leh, waxa uu la’yahay Fankii[fund] ama hay’addii furi lahayd oo dawo keeni lahayd, xagga arrimaha bulshada halkaas ayaan ka joognaa.”

Cabduqaadir waxa uu tilmaamay in deegaanka waxa ka maqan ay ugu badan yihiin wixii ay dadku wada lahaayeen sida isbitaallada, xabsiga, saldhigga, xaruntii golaha deegaanka.

Si kastaba, dadka deegaanka Camaara ayaa u muuqda kuwo isku tashaday oo ay ka go’an tahay iney noloshooda iyo  deegaankaba ay meel wanaagsan gaarsiiyaan, waxayse ay u baahan yihiin in lala qabto howlaha aan dowladda looga maarmin ee muhiimka ah.

Maandeeq FM

Related Articles

Close