arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Ma Guursan Karto 50-jir Kadib.. Sucuudiga oo Shuruudo Cusub Kusoo Rogay Dumarka Doonaya Iney Guurasadaan Ragga Ajaanibta ah

 

Jariidada “Okaz” ee kasoo baxda gudaha dalka Sucuudiga ayaa sheegtay in xukuumadda Boqortooyada ay soo kordhisay Labo sharudood oo haweenka Sucuudiga ah loogu ogolaanayo iney guursan karaan ragga ajaanibka ah.

Shuruudaha cusub ayaa khuseeya da’da haweenayda guurdoonka ah, waxaa lagu xiray inaan da’deedu ka weynaan 50-jir, qofka ay is guursanayaanna inaaney kala waynaan wax ka badan 15-sano.

Xilligii hore shuruuddu waxay ku koobneyd in da’da gabadha guurdoonka ah aaney ka yaraan 25-jir, da’daas oo hoos loo dhigayo lana gaarsiinayaa ilaa 21-jir marka qofka gabadha calmaday uu yahay inaadeerkeed, wiilka uu abtigeed rumaad dhalay ama ay habar-wadaag yihiin.

Shuruudahan cusub ayaa yimid kadib markii doodo badan laga keenay, ilmaha ay gabadhu dhashay habka ay ku helayaan jinsiyadda Sucuudiga, halka golaha Shuurada Ay bishii hore isku raaceen shuruudo 5 ah oo caruurtaa jinsiyadda Sucuudiga ay ku heli karaan.

Shuruudaha waxaa ka mid ah in qofka jinsiyadda doonayaa uu gaaro da’da sharciga ah, waa inuu gudaha Sucuudiga joogay muddo aan ka yaraneyn 10-sano oo xiriirsan, iyadoo taa aaney ku jirin duruufta waxbarasho ee dibadda iyo shaqada ay hooyadu dal kale u aaddo, iyadoo laakiin arrimahaas caddayn looga baahan yahay.

Shuruudaha waxaa kale oo ka mid ah in ilmaha yar uu ka tanaasulo jinsiyadda aabihii haysto, waa inuu noqdaa qof akhlaaq leh oo aan wax dambi ah gelin ugu yaraan muddo Lix-bilood ah, inuu ku wanaagsan yahay Luqadda Carabiga.

Sida uu qoray website-ka “Akhbaar24” ee Sucuudiga kasoo baxa, waxa uu sheegay in soo jeedintan ay adkaynayso muwaadinnimada haweenka Sucuudiga oo aan iyaga iyo muwaadiinta ragga ah aan xuquuqda loo kala badin, meeshana laga saaray dhibaatadii ay dumarkaasi la kulmi jireen ee ku aadaneyn helitaanka  caruurtooda ee Jinsiyadda Sucuudiga.

Maandeeq FM

Related Articles

Close