WararkaWaxbarashada

Qaar ka Mid Ah Ardayda Jaamacadaha Muqdisho oo Waxbarasho Bilaasha ah U Fidaya Ardayday Danyar Ah

 

Ururka dhallinyarada “Aayoddoon”, waxaa uu ka mid yahay ururrada ka shaqeeya arrimaha waxbarashada oo ay aasaaseen qaar ka mid ah ardayda wax ka barata Jaamacadaha Muqdisho, iyaga oo waqtigooda qeyb ka mid ah ugu deeqay caruurta danyarta ah ee ku nool xeryahay barakacyaasha ee Gudaha Muqidisho.

Ururkan ayaa  goobo badan wax ku bara caruurta danyarta ah ee ku nool xeryaha barakacayaasha ee gobolka Banaadir, haddaba; sida uu u shaqeeyo ururka waxaa faafaahin naga siiyay Cabdulqaadir Salaad Cabdulle oo ah afhayeenka ururkaas:

“Ujeedka iyo muhiimadda aan ka leenahay ururka waa in aan dhallinyarada Soomaaliyeed  waxbarno, waxaan dooneynaa in aan dib u soo celinno waxbarashadii Soomaaliyeed”.

Abshir Cabdulqaadir oo ah ardeyda wax lagu baro xerada Badbaado ayaa yiri: “Ani iyo walaalahay waxbarasho ayaan ku jirnaa, waxaan u mahadcelinayaa dhallinyarada is xilqaantay”.

Mako Sheikh Isqaax  oo ah waalidiinta ay ubadkooda ka faa’ideystaan waxbarashada bilaashka ah ayaa tiri:“Ilmahaan waa kuwii ku jiray xerada Badbaado oo ku dhashay, iskuulna waxaa loogu bilaabay xeradan  Babdaado”.

Guddoomiyaha Ururka Aayaddoon Cabdirashiid Cabdullaahi, ayaa faahfaahiyay ulajeedada iyo macnaha Aayaddoon waxa uu yahay:

“Macnaha Aayaddoon waa in la raadiyo aayaha Soomaaliyeed, ayaha Soomaaliya goormaan raadin karnaa, waxaan raadin karnaa markaan helno dhalinyaro u taagan oo wacyigashan oo maskaxiyan u dhisan, aqoon ahaan u dhisan, aqoontooda kobciya, markaa tallaabooyinkaa qaadno waxaa noo suurtaggal ah inaan helno dad dalkaan sare u qaada, dalkan waxaa burburkiisa ka qaybqaatay aabayaasheenna, taasi shaki kuma jiro, markaa waxaan diyaan u nahay, wixii ay aabayaasheen sameeyeen wax ka duwan inaan sameynno, taas oo ah inaan dalkii dhisno.

“Dhalinyarada Soomaaliyeed weligood ku hamin iney dalka dhisaan ee ku hamiyay kaliya iney dalka burburiyaan ama ay ka tahriibaan, waxaan tusaynnaa tub wanaagsan in meeshaan kaliya ay tahay meesha aan barwaaqo ku gaari karno.”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Si kastaba, Ardaydan is-xilqaamay ayaa u muuqada kuwo rajo wanaagsan u abuuraya ardayda barakacayaasha qaarkood, kuwaas oo u muuqato in dadkii garab siin lahaa ay ka gaabiyeen, dowlad iyo shacab Labadaba.

Maandeeq FM 

 

Related Articles

Close