arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Shukulaatada Ugu Qaalisan Adduunka… Waa Imisa Qiimaheedu!

 

“Glorious”.. shukulaatada adduunka ugu qaalisan, waxaa lagu soo bandhigay dabaaldag weyn oo ka dhacay dalka “Portugal, gaar ahaan magaalada Obidos.

Sida uu qortay website-ka “Theportugalnews“, shukulaatadan ayaa gobolkeeda yar uu qiimihiisu yahay 7,728 euros oo u dhiganta $9,489, waxay ku daboolan dahab in la cuno u sameysan, waxaana adduunka oo dhan laga sameeyay 1,000 xabo oo qura.

Shukulaatadan ayaa waxyaabaha laga sameeyay qaarkood laga kala keenay waddamo kala duwan oo Madagascar ka mid tahay.

Ninka shukulaatadan sameeyay oo la yiraahdo Daniel Gomes, ayaa yiri, gobolkan shukulaatada ah ee u eeg Luulka, waxa uu galay buugga Guinness ee lagu diiwaangeliyo records-ka caalamiga ah, waxaana loo diiwaangeliyay iney tahay ” Shukulaatada ugu qaalisan adduunka.”

Maandeeq FM 

Related Articles

Close