arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Nolosha Laacib Ka Tirsanaa Kooxda Madadaalada Caalamiga ah “Soleil” oo Si Naxdin Leh Ku Soo Gabaggabowday

 

Nolosha laacibka ka tirsanaa bandhigyada madadaalada caalamiga ah ee soleil ayaa ku soo gabaggabowday si naxdin leh kadib markii uu la siibtay xarig uu bandhig ku sameynayay isagoo hawada sare ku jira, halka marqura farxaddii goobta ka jirtay ay isku bedeshay murugo.

Sida ay sheegtay jariidada Time ee kasoo baxday dalka Ingiriiska, dadkii bandhigga kasoo qaybgalay ayaa faafiyay muuqaallada laacibkan oo hawada sare si fiican bandhig ugu sameynaya, inta aanuu u siiban xarig uu haysta isla markaana aanuu dhulka ku soo dhicin, gobolka Florida ee gudaha dalka Mareykanka, habeennimadii Sabtida.

Muuqaalka waxaad ka dhex arki kartaa shaqaalaha gurmadka degdegga ah oo goobtii soo galaya, isla markiina waxay ula carareen dhanka Isbitaalka, laakiin waa uu geeriyooday isla markii isbitaalka la geeyay.

Yann Arnaud ayaa muddo dheer waxa uu ka tirsanaa kooxda bandhigyada madadaalada ah sameysa ee loo yaqaanno “Cirque du Soleil Entertainment Group“, guddoomiyaha kooxda oo la yiraahdo Daniel Lamarre ayaa yiri: “Maalmaha iyo Isbuucyada soo aaddan, waxaan xoogga saari doonnaa sidii aan u garab istaagi lahayn qoyska Yann, si wadajir ah ayaan uga gudbi doonnaa wakhtigan adag.”

Yann

Dhanka kale, website-ka BBC ayaa sheegay in booliska ay baaritaanno bilaabeen sababtii keentay in Yann uu soo dhaco, waxaaney tilmaameen inaan dhacdadani ahayn tii ugu horreysay, ee laakiin sidan oo kale ay dhacday sanadkii 2013, kadib markii uu laacib ku soo dhacay dhulka isagoo ka qaybqaadanayay bandhig ka socday Las Vegas isla gudaha dalka Mareykanka.

Arnaud ayaa waxa uu jiray 38-sano, waa aabbe Labo caruur ah ay u joogaan, waxa uu qoyskiisa kula noolaa caasimadda Faransiiska ee Paris.

Maandeeq FM

Related Articles

Close