WararkaWaxbarashada

Sideen Nafteenna Uga Saamaxi Karnaa Khaladaadkii Hore ee Nolosha?… 5-Talo oo Muhiim Ah

 

Qof kastaa wuu khaldamaa oo qof dhameystirani ma jiro, waxaase jira dad markasta khaladkoodii hore soo xasuusta oo caqabad dhanka nolosha ah ay ku noqdaan, naftoodana ku canaanta had iyo jeer ‘Naftayda weligay ma saamaxayo’.

Arrintaasi waxay u horseedaysaa murugo iney noloshu ku noqoto,  waxaase jira waddooyin kuu suurtaggalinaya inaad naftaada saamaxdo, si aad nolosha horey ugu socoto, maadama inaad khaladkaagii hore xasuusataa murugo mooyaane aadan horumar marnaba ku gaareyn.

Hadaba, website-ka “Steptohealth” ee dalka Ruushka laga leeyahay ayaa qoray tallaabooyin 5 ah oo kuu suurtaggalinaya inaad naftaada ka saamaxdo khaladaadkeedii hore, gaar ahaan marka ay kugu noqdaan[khaldaadkaagii hore] culeys kuu diida inaad faraxad gudaha ah dareento. Ma habboona inaan khaladaadkeennii hore ku noolaanno oo saameyn taban uu ku yeesho xaaladeenna maanta.

  1. Khaladka dhanka wanaagsan ka eeg!, oo dhinac kale ka istaag, waxaa jira ugu yaraan waayo aragnimo aad ka kororsatay.
  2. Khaladkaagii dib u sax

Samee Tallaabooyin aad khaladkaagii ku saxayso oo aad is leedahay adigana waxaad ku helaysaa nafis, waxaanad aamintaa inaad ka baxayso xabsiga aad naftaada gelisay, maxaa yeelay; waxwalbaaba waxay leeyihiin waddo lagaga baxo, waa markii rabitaan uu jiro.

  1. Naftaada Jeclow

Jeclow naftaada, ha ku ciqaabin arrimo xilli hore dhacay, waxaa hubaal ah qof kastaa inuu yaqaanno sida uu naftiisa ku canaanto, laakiin inteenna badani ma naqaanno sida aan nafteenna ku cafinno. Naftaada jeclow oo ogow nolosha aad nooshahay inaad istaahisho.

  1. Mustaqbalka ku fakar

Haddii qofku uu gadaal eego waxba kama faa’idayo oo inuu horey u dhaqaaqaa suurtaggal maaha, si aad culayska wixii lasoo dhaafay aad iskaga rogto, waa inaad qorshe samaysataa, hadaf nololeed yeelataa, arrimahaasi waxay kugu caawinayaan inaad wixii hore illowdo.

  1. Eber ka bilow

Waa wadada ugu wanaagsan ee khaldaadkii hore lagu illoobo, waa inaad wixii hore meel iska dhigto, waa inaad eber ka bilowdo oo aad qof cusub u ekaato, yaaney jirin wax aad ka cabsataa, wixii horena waa iney kuu noqdaan tijaabo iyo kibrad hore oo aad waaya aragnimo ka kororsatay.

Si kastaba,  Website-ku tallaabooyinkaa uu nagula talinayo iyadoo aaney sahlaneyn ayaa hadana ay mudan yihiin inaan dadaal ku bixinno sidii aan meesha uga saari lahayn dareenka ah inaan u xir-xirnaanno khaladaadkeennii hore, marka uu meesha ka baxo dareenkaasi, waxaad helaysaa nafis gudaha ah, waxaad dib u eegaysaa dhaqankaaga, dib dambena uguma laabaneysid khaladaadkaagii hore.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close