WacyigelinWararkaWaxbarashada

9-talo oo Muhiim u ah Maalinta Koowaad ee Shaqadaada Cusub

Shaqo cusub ayaad heshay oo in muddo ah aad raajicineysay, maalintaada koowaad waxaa iska caadi ah inaad xoogaa walwal ah dareento, maxaayeelay; waxaa kugu cusub saaxiibada shaqada, waxaa aadan ogeyn waxaad kala kulmayso goobta shaqada, sidaa darteed; waxaad u baahan talooyin aad ka dhaxasho bilow wanaagsan oo maalmahaaga koowaad ee shaqada.

9-talo oo muhiim u ah maalinta koowaad ee shaqadaada cusub

1- Si wanaagsan u seexo

Si wanaagsan u seexo maalintaada koowaad ee shaqada maalinta ka horreysa. Hurda yaridu waxay keentaa in uu dareenkaaga xumaado, wax-soo-saarkaagu yaraado, qof maahsan oo kale noqoto.

Xarunta “Rand” ee cilmibaarista, ayaa waxay ku sheegtay kharashaadka dhaqaale ee hurdo xumidu gaarsiiso shirkadaha waaweyn ay tahay 630-bilyan oo dolar,daraasad lagu sameeyay 5-ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn adduunka oo xarumo ku leh, Mareykanka, Japan, UK, Jarmalka iyo Kanada.

2- Xilli Hore Shaqadaada Gaar

Caado ahaan dabeecadda bilowga hore lagaaga barto ayay dadku muddo dheer xasuusnaadaan, haddii aad dib dhacdo maalinta koowaad ee shaqadaada, waxaa si xun kuu arkaya maamulahaaga, waana arrinta laga yaabo inaad muddo dheer ka kabsan weydo.

3- Goonni ha isku buurin, dadka kale dhexgal

Jabi xayndaabka xishoodka, isbar dadka kale si kalgacayl leh oo furfurnaani ku jirto, isku sheeg dadka qofka aad tahay, waa su’aasha ugu badan ee ay dadku is-weydiinayaan sida badan, waa inaad dadka siiso jaawab kooban oo wanaagsan. Waa inaad isa sheegto qofka aad tahay iyo shaqada laguu igmaday, cidina kuuma diidayso inaad farxad muujiso marka aad dadka is barayso.

4- Diyaarso su’aalihii aad dadka waydiin lahayd

Waxaa halkan dadka lagula taliyaa iney su’aalo soo diyaarsadaan, gaar ahaan kuwa muhiimka ah ee lagama maarmaanka u ah shaqada. Waa inaad muujiso sida aad u doonayso inaad wax kororsato.

5- Aamus oo wixii mugdi kaa-gala meel ku qoro

Mark Strong oo ah tababare sare oo dhanka shaqada ah ayaa ku talinaya, aamsunaantu waa wadada ugu habboon ee dadka shaqada ku cusub maalmahooda koowaad, “Dhagayso dhagayso dhagayso, xilligii awoodda ra’yigaaga aad muujin lahayd lama joogo, noqon qof la jeclaysto, Dhoollacaddee oo ra’yiga dadka kale dhagayso.”

6- Mobile-ka meel ku dhaaf oo xoogga saar shaqadaada

Maalintaada Koowaad ee shaqada mobile kaalin ugama banaana, codka ka xir, qof shaqadiisa u soo jeeda noqo, haddii shaqadaadu ay mid oraah ah tahay, diiwaangelin samee oo qoro waxyaabaha lagaa rabo, maxaa yeelay; waa wadada kaliya ee shaqadaada aad ugu guulaysan karto.

7- Ha degdegin oo wax hubso

Bilowga hore ee shaqadadaada inaan dad xukunno kula degdegto ha isku dayin, waxaa dhici karta inuu qofku soo marmaro xafiisyada kala duwan dadku uu soo arkana uu ra’yi goonni ka bixiyo, marka inta aad isha isku dhufataan qofi haddii uu si wanaagsan kuu salaami waayo xukun ha kula degdegin. Dadka fursad sii, waxwalba dhanka wanaagsan ka eeg, maalmuhu iyagaa waxwalba kala caddeyn doona.

8- Dharkaaga iyo dhaq-dhaqaaqa jirkaaga si gaar ah uga fakar

Caado ahaan maalintaada koowaad ee shaqda indhaha ayaa kugu soo jeeda, dadbadan ayaa is weydiinaya qofka aad tahay, sidaa darteed xayndaabka marnaba ha ka bixin, dhar lala yaabo hasoo xiran, si wanaagsan oo dhexdhexaad ah u soo labiso, hana ka badbadin.

9- Naftaada ha saarin culays aaney qaadi karin

Waxa ugu dambeeya ee ay muhiimka tahay inaad xasuusato ayaa ah, maalintaada kowaad ee shaqada waa kuu muhiim, sidaa darteed; naftaada inaad ku adkayso maaha oo aad dusha ka saarto culays aaney qaadi karin, sax waa maalintii koowaad ee shaqada, laakiin maalintii ugu dambeysay maaha. Haddii shaqooyinka qaar ay kuu dhammeystirmi waayaan u dhigo maalinta ka dambaysa.

Maandeeq FM

Related Articles

Close