WararkaWaxbarashada

Hal-Milyan oo Doolar iyo Koob Dahab ah oo Ay Ku Guulaysatay Macallimadda Ugu Wanaagsan Adduunka ee 2018

 

Haweenay kasoo jeedda waqooyiga London ayaa la guddoonsiiyay abaalmarinta Varkey ee “Macallinka ugu wanaagsan adduunka”, waxay ku guulaysatay Hal-milyan oo dolar ah  iyo koob dahab ah.

Sida ay sheegtay jariidada The Guardian ee dalka Ingiriiska kasoo baxda, Andria Zafirakou oo ah macallimad maadama farshaxanka ka dhigta iskuulka Alperton Community School ee ku yaalla deegaanka Brent, waqooyi-galbeed caasimadda Ingiriiska ee London, ayaa waxay ku guuleysatay macallinka sanadka 2018 ee mu’asasada Varkey ee xarunteedu tahay magaalada Dubai, waxaa abaalmarinta guddoonsiiyahay Madaxweyne ku xigeenka Imaaraatka ahna ra’isulwasaaraha dalkaas Sheikh Mohammed Bin Rashid.

Sheikh Mohammed ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray: “Waxaan maanta aad ugu faraxsan nahay, inaan sharfo macallimadda adduunka ugu wanaagsan ee ku guulaysatay abaalmarinta Varkey ee qiimaheedu uu gaarayo Hal-milyan oo doolar.. habmalyo macallin Andria macallimadda ugu wanaagsan ee shaqada ugu qiimaha badan..macallin kastaa waa xidig ku yaalla samada bulshadeenna, waa xidig lagu daydo.. waa xidig khayrkiisu uu bulshada oo dhan gaaro.”

Xafladda lagu sharfayo macallimadda oo ka qabsoontay Maarso 18, 2018, ayaa waxaa kasoo qaybgalay marti sharaf badan oo caalami ah waxaa ka mid ah madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka Al Gore, Ra’isul-wasaarihii hore ee Ingiriiska Tony Blair iyo dad kale oo farabadan oo dunida magac ku leh.

Farriin hambalyo ah oo u muuqatay mid lasoo duubay ayaa  sidoo kale waxa macallimadda soo gaarsiisay ra’isul-wasaaraha Ingiriiska Theresa May oo tiri: “Waa abaalmarin u qalanta” marka loo eego waxyaabihii wanaagsanaa ee ay sameysay Andria.

Andria ayaa waxay abaalmarin u heshay 1-milyan oo doolar iyo koob dahab ah, waxayna safiir caalami ah u noqoneysaa mu’asasada Varkey, waxay macallinimo ku sii shaqeyn doontaa muddo 5-sano oo kale, abaalmarintana waxay si dhameystiran u helaysaa inta ay ku guda jirto mudadaa shanta sano ah.

Andria ayaa waxay tiri: “Aad ayaan ugu farxay, aad ayaan u walwalsanaa, ma ogayn inaan anigu ku guulaystay.”, macallimadani waxay noqotay haweenaydii ugu horreeysay ee Ingiriis ah ee ku guulaysatay macallinta ugu wanaagsan adduunka.

Waxay hadalkeeda sii raacisay “macallimiinti aad ayay u dadaalaan, waana abaalmarin aan dhammaanteen wada helnay.”

Maandeeq FM 

Show More

Related Articles

Close