WararkaWaxbarashada

Maxaan Uga Walwalnaa “Muusoodka” Dadka kale?

 

Khubaro dhanka cilmi-nafsiga ku takhasustay oo u dhashay dalka Mareykanka ayaa daahrogay iney jiraan Saddex nooc oo muusood(Dhoollacaddeyn) ah oo kala gadisan, mid kastaana uu raad goonni ah ku yeesho nafta qofka lagu qaabilo.

Khubaradan oo ka tirsan Jaamacadda Wisconsin-Madison ayaa tilmaamay in qosolka muusoodka ah qaybtiisa hore ay ku tusineyso dhiirrigelin iyo isku soo dhawaansho, halka tan Labaad ay tahay ka-helitaan, garab istaag, halka nooca Saddexaad uu yahay qosolka hanjabaad iyo jeesjeeska iskugu jira oo dadka qaar wejigooda kaaga muuqanaya.

Khubaradani sida ay tilmaamayaan qofku awood ayuu u leeyahay inuu kala saaro saddexda nooc ee dhoollacaddeynta ah. muusoodku kama muhiimad yara xiriirka dhanka Luqadda ah ee siyaabaha kala duwan dadka u dhex mara.

Saynisyahannadu waxay goosteen iney daraasad ku sameeyaan Saddexdaa nooc ee xiriirka muusoodka ah, waxay ka codsadeen 90-qof oo mutadawiciin ah iney diiwaangeliyaan khudbado kooban oo camera lagaga duubayo, qayb kalena waxaa laga codsaday iney muuqaalka daawadaan.

Muuhamadda ay khubaradu raadinayeen ayaa ahayd in la eego falcelinta dhalloolacaddeynta kala duwan ay dadku ka bixiyaan.

Waxaa u caddaatay in hormone-ka “stress” ee walwalka uu kor u kacayo xaaladda kala duwan ee dhoollacaddeynta, laakiin heerka hormone-ka kor ayuu u kacay heer saddex laab ah, waa marka dhoollacaddeyntu tahay nooca hanjabaadda ah, oo laga dheehan karo wejiyda dadkii muuqaallada duubay qaarkood.

Khubarada ayaa daraasadda kasoo saaray natiijo ah, in aadanuhu uu la-falgalo wejiga dadka u dhoollacaddeynaya, waxaana usoo baxday in dhoollacaddaynta handadaadda ah ay dadku ku dareemaan hanjabaad iyadoo hadal aaanuu kasoo bixin afka qofka ku qaabilaya.

Maandeeq FM 

Related Articles

Close