arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Saacad “Naadir ah” uu Lahaa Boqorkii Hore ee Masar oo Lasoo Dhigay Aqalka Xaraashyada Christie’s.. Qiimahan Ayaa Lagu Iibinayaa

 

Aqalka xaraashyada Christie’s xaruntiisa Dubai ayaa lagu soo bandhigi doonaa saacad dahabi ah oo naadir ah uuna lahaan Boqorkii hore ee Masar Boqor Faaruuq.

Sida uu sheegay website-ka “Gulftoday.ae“, saacaddan ayaa lagu sameeyay Patek Philippe modelkeedu waa 1518 oo sanadkii 1944 ayaa la sameeyay, waxaa saacadda ku xardhan taajka Boqorkii hore ee Masar.

Saacaddan ayaa waxaa adduunka laga sameeyay 281 nooc oo qura, waxaa soo saartay shirkadda saacadaha qaaliga ah sameysa ee dalka  Switzerland. Saacaddan ayaa la filayaa inuu qiimaheedu gaaro inta u dhaxaysa 400 ilaa 800 oo kun oo dolar.

Remy Julia oo ah madaxa maamulka qaybta Bariga-dhexe, India iyo Africa ee aqalka xaraashyada Christie’s  ayaa yiri: “Model-ka 1518 waxaa iibsan karay oo qura dadka khaaska ah ee hantiilayaasha ah iyo dadka sida gaarka ah uga dalbada Patek Philippe lacagtana si horumarin ah u bixiya.”

Waxa uu intaa sii raaciyay. “Qiimaheeda aadka u sarreeya ee sameynta saacadda ayaa keenay in tiro kooban laga sameeyo. In saacad gacmeed aad xilligaa heshaa waxay ahayd arrin ay sameeyaan dadka ay lacagtu ka daadaadaneyso oo qura.”

Julia waxa uu hadalkiisa kusoo afmeeray : “Waa saacad dahabi ah oo lagu sameeyay warshadda ugu wanaagsan adduunka, way horumar san tahay, wakhtigeeduna marnaba ma istaagayo.”

Maandeeq FM 

Show More

Related Articles

Close