WararkaWaxbarashada

Ciidda “Stephen Hawking” oo Lagu Aasayo Meel U Dhaw Qabriga Isaac Newton

 

Ciidda Professor Stephen Hawking ayaa lagu aasayaa dayrka London Westminster Abbey meel u dhaw qabriga Isaac Newton, waana sharaf gaar ah oo la siiyo shakhsiyaadka wadaniga ah ee kaalinta muhiimka ah ka ciyaara horumarka bulshada.

Madaxa sare ee Westminster John Hall ayaa yiri; inta lagu guda jiro sanadkan ayaa ciiddiisa si gaar ah loo sharfi doonaa, laakiin xilliga ay tahay ma aanuu sheegin.

Hall, waxa uu hadalkiisa ku daray: “Waa arrin ku habboon in haraaga Professor Stephen Hawking lagu aaso dayrka Westminster, dhinaca saaxiibadiisa culumadii[Sayniska] ee hore ee caanka ahayd.”

ANDREW MATTHEWS/PA

Newton ayaa Westminster lagu aasay sanadkii 1727, halka Charles Darwin lagu garab aasay isagana sanadkii 1882, waa sida uu Hall yiri.

Si kastaba, Janaasada caalimka ayaa waxay ka dhacaysaa kaniisayadda Jaamacadda Cambridge Maarso 31, waa sida ay sheegeen familkiisa. waxayna u eegtahay in caalimka Labo aas oo kala duwan loo sameynayo, mid waa kan familkiisa ay isbuuca soo aaddan u abaabulayaan, mid kalena waa kan ciiddiisa lagu garab aasayo dadkii horey cilmiga kaalinta mugga leh uga gaaray ee u dhashay dalka Ingiriiska.

Maandeeq FM

Related Articles

Close