WararkaWaxbarashada

Waddooyinka ayay Tuugsan Jirtay.. Hadda Waa Xidig Ay Kumaan Qofi Warkeeda Raadiyaan.. Sidee Isku Bedeshay Nolosha Gabadhan yar ee Philippine-ka ah

 

Waxay ahayd ilbiriqsigii nolosheeda wax badan ka bedelay May 14, 2016, sawiraa Philippines ah oo la yiraahdo Topher Quinto Burgos ayaa sawir ka qaaday, gabadh yar oo tuugsaneysa/dawarsaneysa oo dhex meeraysaneysa waddooyinka magaalada Luben ee dalka Philippine.

Labo sano kadib waxaa is bedelay nolosheeda, Rita Gaviola  hadda waa 14-jir, waa xidig Asia oo dhan caan ka ah, waana actor iyo model, dhalinyaro badan ayaa la dhacsan oo si gaar ah wararkeeda u raadiya.

Instagram-ka ayay kaga sheekaysaa waayeheedii nolosha iyo waxyabihii ay soo martay oo taariikhdeedii hore iney daboosho iskuma daydo.

Gaviola waxay ka dhalatay qoys aad u liita oo meel hoosaysa dhanka nolosha kaga jira dalka Philippine, waxayna ka soo jeedda dadkii asalka ah ee Philippine, waddooyinka ayay ka tuugsan jirtay si ay u garab istaagto labadeeda waalid iyo 5 caruur ah oo la dhalatay.

Burgos oo ah sawiraagii markii hore ishiisu qabatay ayaa waxa uu yiri “Waxay nagu soo jiidatay quruxdeeda, waxaan raadinayay wax wanaagsan oo aan sawirto, waan dabagalay si aan xagal wanaagsan u eegto, kadib sawirkan aad aragtaan ayaan ka qaaday.”

Sawirka ayaa waxa uu ku faafiyay bartiisa Facebook, waxaa sii share-gareeyay kumaan qof oo kale. Dadka wanaaggu kama dhamaadee, waxaa loo bilaabay ol’ole tabarucaad ah oo dhanka internet-ka ah, lacag ayaa loo uruuriyay, waxaana lagu dhiirrigaliyay iney waxbarato, xilligaas waxay jirtay 12-sano.

Rita sidoo kale waxay soo jiidatay indhaha dadka aflaamta sameeya, waxayna waxaa lagu daray barnaamijka caanka ah ee “Big Brother” nuskhaddiisa Philppine, waxayna xidig ka noqotay waddankeeda.

Barteeda Instagram waxaa la socda oo isha ku haya 100 kun oo qof.

Marka ay ka sheekaynayso waxay tiraahdaa “Weli ma’aanan illoobin maalintii sawirka la iga qaaday, xilligaa waxaan dareemayay baqdin iyo walwal, maxaayeelay; maskaxda kuma aanan hayn waxa uu mustaqbalku ii qarinayo.”

Si gaar ah waxa uga baqaysay iney ciidanku qabtaan, si aan sharci ahayn ayay u tuugsaneysay, laakiin wixii ay ka baqeysay wax ka duwan ayaa dhacay.

Illaa iyo hadda ma’aaney illoobin abaalkii uu u galay  “Topher”, xiriirkii ay la lahaydna weli ma’aaney jarin.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close