CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Xaaladdan Ayaa Ku Qabsaneysa Marka aad Subixii Hore Moos Ku Quraacato!

 

Moosku kuma jiro raashinka quraacda ugu wanaagsan ee la cuni karo, sababta oo ah waxaa ku jira sonkor farabadan oo gaaraysa ilaa 25%, waa sida uu sheegayo joornaalka “InStyle” ee kasoo baxa dalka Jarmalka.

Joornaalkan oo ka hadla caafimaadka iyo quruxda ayaa caddeeyay in sonkorta fruit-ka laga helo ay dhiigga sonkorta ku kiciso si degdeg ah, hadana ay hoos u riddo si xawaare ah oo degdeg ah, arrintaas oo qofka u keenaysa inuu daal iyo maahsanaan dareemo, halka qofka ay qabaneyso gaajo daran oo goosgoos ah.

Ku darso, sonkortu waxay ku khamiiraysaa gudaha jirka, arrintaas oo keenaysa in shaqada habdhiska dheefshiidka ay gaabis noqoto. sidaa darteed cid kasta oo dooneysa iney moos cunto xilliga quraacda ha ku darsato duxda faa’iidada leh sida; caanaha saliidda-lowska, saliidaha kale ee caafimaad, si raadkiisa taban ee mooska loo yareeyo.

jariidada InStyle waxay tilmaantay in moos/muuska guud ahaan ay ku badan tahay potassium, magnesium, waana tan ka dhigaysa inuu wadnaha iyo xubnaha kale ee jirka uu u faa’iido badan yahay, halka laga helo vitamin B6 aad u tiro badan, taas oo ka dhigeysa inuu faa’iido badan u leeyahay dareemayaasha iyo hab dhiska difaaca jirka.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close