JaamacadahaWararkaWaxbarashada

5 Tallaabood oo Aad Ku Gaari Karto Himilooyinkaaga Nolosha

 

Dadka intooda badani way yaqaanaan sida ay u dejistaan ahdaaf nololeed oo ku salaysan habka “SMART”, laakiin dhibaatada ay waajahaan ayaa ah wadiiqadii ay u mari lahaayeen gaaritaanka hadafkood nololeed, qofku inuu leeyahay xamaasad ayaa ah natiijada koowaad ee bilowga wanaagsan, laakiin waxaa dhacaysa inta badan in xamaasaddaasi shuuqdo oo noloshii caadiga ahayad ka adkaato, markaa hadafkaagu wuu kaa sii fogaanaya, daraasaadka la sameeyay ayaa sheegaya in 10% ay dadku dareemaan iney hadafkii noloshooda xaqiijiyeen, inta soo hartayna…

Hadaba, sideed u sameyn kartaa khariidad kuu suurtaggalineysa inaad hadafkaaga nolosha xaqiijiso? Haddii aad diyaar tahay oo ay kaa dhab tahay, waxaad u baahan tahay wadiiqo aad marto, qodoboadan soo socdanaha waxaan kuugu soo bandhigaynaa sidaad hadafkaaga nololeed ku beegsan lahayd oo aad ku gaari lahayd.

  1. Ku dadaal inaad yeelato ahdaaf (SMART) ah

Ahdaafta SMART-ka ah ee  wakhtiga go’an leh waa kuwa guusha lagu gaaro.

Hadafka SMART waxaa loola jeedaa:

(S) Hadaf go’an, tusaale ahaan; “Waxaan doonayaa inaan hanti yeesho” waa hadaf guud oo aan cadcaddeyn, laakiin markaad tiraahdo “Waxaan doonaya inaan helo $10,000 bishii, waa hadaf xadidan oo go’an.

(M) La qiyaasi karo: Hadafka aad gaareyso waa inuu yahay mid la qiyaasi karo oo kolba halka aad gaartay ayaad qiyaasi karto.

(A) La gaari karo, marka aad sameysato hadaf aan la gaari karin, niyad jab mooyaane wax kale kama dhaxlaysid.

(R) Noloshaada xiriir la leh, hadafkaaga noloshu waa inuu la jaanqaadi karaa nolosha caadiga ah.

(T) Wakhti go’an lagu gaari karo.

  1. Dhammaadka ka bilow, kadib si tartiib ah ugu soo laabo bilowga si aad u xadayso marxaladaha kala duwan ee hadafkaagu marayo.

Eeg wakhtiga aad haysato iyo hadafka aad dooneyso inaad gaarto, sameyso ahdaaf yaryar oo kan weyn aad ku gaarto, tusaale; haddii aad dooneyso inaad 6 bilood ku uruuriso $10,000, sameyso ahdaaf yaryar oo isku day inaad bishii hesho dakhli ku dhaw $2,000 oo dollar si saddexda bilood ee ugu horreysa aad u gaarto $5,000.

Saddex bilood ee ugu horreysa ayaad ku kala baranaysaa wadada saxda ah ee aad hadafkaaga ku gaari karto.

  1. Xadee arrimaha lagama maarmaanka ah ee loo baahan yahay

Marka aad dooneyso inaad lacago badan hesho waa inaad hesho waddooyinka aad dakhilaaga ku kordhin karto, illeen lacagtu dhulka kama soo dhalato ee waa la-tacbaa.

  1. Shaqooyinka aad qabaneyso wakhti go’an u yeel

Markii ay kuu kala caddaato shaqooyinka aad doonayso inaad qabato si aad hadafkaaga ku gaarto, waxaa muhiim ah inaad howlahaa wakhti go’an u samayso, haddii kale waad is dhigaynsaa oo maalin kasta sida ay maalin kale kuugu riixayso ayaad hadafkaaga iyo naftaada gabaysaa.

  1. Fulin

Markii aad tallaabo kasta oo qorshe ah soo dhameyso waxaa lagaa rabaa  inaad fulintii ku dhaqaaqdo, waana tallaabada ugu muhiimsan.

Qabo howl-maalmeedkii aad naftaada u sameysay, waa sax tani waa shaqo qof kastaa garan karo, laakiin waa tan dadka intooda badan ay ka gaabiyaan ee keenta iney hadafkooda gaari kari waayaan.

Si gaar ah u xisaabtan oo ula soco horumarka aad sameynayso, bil kastana xilli go’an oo aad naftaada ku xisaabiso sameyso, haddii horumarkii aad u baahnayd aadan gaarayn, bedel taktikada.

Maandeeq FM

Related Articles

Close