WararkaWaxbarashada

Cilmiga oo Usoo Dhawaanaya Aragtida Islaamka ee Nolosha iyo Geerida

 

Professor Robert Lantz oo ka tirsan jaamacadda Wake Forest ee gudaha dalka Mareykanka ayaa daaha-ka-roga xaqiiqo ku qarsooneyd daraasad uu dhawaan faafiyay.

Maqaal uu tooshka ugu ifinayay daraasaddaas oo uu kaga hadlay geerida ayaa waxa uu tilmaamay in geeridu ay dhalanteed tahay, aadanuhuna uu duni kale u guurayo [Aakhiro].

Robert Lantz ayaa natiijada uu gaaray waxa uu kasoo dhiraandhiryay aragtida “biocentrism” ee oraneysa in geeridu tahay shay caqligeenna iyo wacyigeenna un uu iska dhaadhiciyay, laakiin khiyaali. Nolosha iyo wax kasta oo ku xeeran sidoo kale ay yihiin dhalanteed, maxaa yeelay; nolosha iyo geeridu waxay ku kala duwan yihiin ayaa ah mid wacyigeennu fahmi karo iyo mid kale oo aanuu fahmi karin.

Caalimkan ayaa aaminsan in wacyiga uu dhammaadka nolosha uu ku qiyaaso shaqada xubnaha jirka aadanaha oo markii xubnahaasi ay shaqadooda gabaan aadanuhuna ay noloshiisu istaagayso. Laakiin sida waaqica dhabta ah wuu ka duwan yahay wacyigu marnaba ma istaago, waa sii jiraa, laakiin duni kale!.

Waxaa xusud mudan, in aragtida in wacyiga aadanuhu in aanuu dhimaneyn ayaa ah aragti cilmiga Physics-ka caan ka ah oo soo shaac baxday dhowr iyo Lixdankii sanno ee ugu dambeeysay, waxaa markii ugu horreeyaysay keenay physicist u dhashay dalka Mareyka oo la yiraahdo “Hugh Everett lll”, waxayna soo baxday  kadib markii ay culumada Physics-ku  ay arkeen arrimo badan oo aan la-fasiri karin fahamka caadiga ah ee waddooyinka la garanayana aan lagu keeni karin. Aragtidan ayaa Albert Einstein, Stephen Hawking ay hore u yiraahdeen iney tahay mid la rumeysan karo.

Si kastaba, Marka halkaa la joogo waxay u muuqataa in cilmigii uu usoo dhawaanayo aragtida Islaamka ee nolosha iyo geerida; oo sidaan ognahay, Islaamku waxa uu qabaa in nolosha oo dhani ay tahay dhalanteed qof kastaana waxa uu dunida u joogaa uu yahay imtixaan, nolosha dhabta ahna ay dambeyso.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close