WararkaWaxbarashada

Dhulgariir Afrika Labo Qaybood Ka Dhigay.. Soomaaliya oo Afrika Inteeda Kale Kasii Fogaaneysa!

 

Muuqaal lasoo dhigay shabakadda Internet-ka ayaa muujinaya dillaac ku yimid dhulka, isbedello dhulka hoostisa ah oo Bariga Afkrika ka soocaya Afrika inteeda kale.

David Adeded oo ah Geologist u dhashay dalka Kenaya ayaa yiri: “Dillaacan dhulka ku yimid waa mid Qaaradda Afrika qaybinaya, waxaa noo caddatay in qayb dhulka ka mid ah, dhulka sare ee Soomaaliya, ay ka fogaaneyso qaybaha kale 2.5cm. mustaqbalka dhow, haddii dillaacaasi uu sii ballaarto, waxay si dhamaystiran uga soocmayaan qaybta kale ee dhulka.”

Dillaaca ayaa ka bilowday Norok County ee gudaha Kenya, guntiisuna waxay gaarsiisan tahay ilaa 20-mitir, halka balaciisu yahay 15-mitir, waxaana la-filayaa haddii uu sii socdo  in Somaliya, qayb ka mid ah Kenya, Ethiopia iyo Tanzania iyo ka go’doomaan Qaaradda Afrika inteeda kale.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close