WararkaWarbixinnoWaxbarashada

Waa Kuwan Sababaha Ay Waajibka U Tahay In La Daa’imo Xiisadaha Jaamacadda

 

Marar badan, ma helno xamaasad ku filan oo nagu riixda inaan joogtaynno ka qaybgalka muxaadaraadka jaamacadaha, waxaa inoo sahlan inaan raadinno cudurdaar aan kaga baaqsanno xiisadda, waxaan nafteenna ugu sheekaynaa: iney daallan tahay oo nasasho kooban u baahan tahay; iney jiraan waxyaabo ka muhiimsan aadista xiisadda, waxaan iska dhaadhicinnaa in macallinka maadaada iska leh aan waxba laga fahmayn, sidaa darteed; cudaddaar badan oo aan jaamacadda kaga joogno ayaan sameysanna.

Hadaba, si aan waxbadan uga ogaanno wax yaahabaha inagu seegaya marka aan xisadda Jaamacadda ka maqnaano, waxaa wax ka waydiinnay  Prof. Maxamed Cilmi Tooxow,  oo ah rugcaddaa ka tirsan bahda waxbarashada oo muddo dheer ka soo shaqeynayay horumarinta aqoonta dalka.

Professor-ka waxa uu marka hore ka hadlay sababo farabadan oo ardayga u diida iney waxbarashada aadaan, waxaana hadalkiisii ka mid ahaa:

“Marka hore waa inaan is weyddiinnaa, Maxaa ardayga inuu waxbarashada aado ka horistaagi kara?, waxaa ka horistaaga isagoo aan waxbarasho dooneyn, goobta waxbarasho oo aan soo jiidasho lahayn, macallinkii oo aan waxba fahamsiineyn, manhajkii oo aan wanaagsaneyn, shaqo oo aanuu ku haleyn.”

Waxa uu Professor-ku ka hadlay in xisdda oo la aado ay ka mid tahay sababa keena in ardaygu uu kaalin sare ka gaaro waxbarashada:

“Xilligeennii waxaan wax u baran jirnay inaan shaqo ku helno, oo qaf aan waxbaran shaqo ma’aanuu halayn, xiisadaha aan jaamacadda ka maqnaa aad ayay ku koobnaayeen, taasina waa tan keentay inaan darajooyinka ugu sarsarreeyay keeno.” 

10-Qodob ee kugu khasbaya inaadan ka Maqnaan Xiisad Qura ee Xiisadaha Jaamacadda

  1. Ka Baaqsi qoomameyn dambe

Markaad xisadda ka maqnaato isla markiiba waad ka qoomameynaysaa, gaar ahaan marka aad aragto ardaydii oo meeshii ay kaaga tageen kuugu yimaadda iyagoo faraxsan isla markaana ka sheekaynaya waxyaabihii wanaagsanaa ee ay soo faa’idaysteen.

  1. Waxaa seegaysaa shaygii aad noloshaada ku horumarin lahayd

Mararka qaar waxaanan waxwey u arkin ayaa inoo noqday wax nolosheenna bedela oo waxwayn nafteenna kusoo kordhiya, waxaa dhici kara inuu macallinku sheego macluumaad marka aad dabagasho aad adiguba wax cusub kasoo saarti karto oo ilhaam kuu noqoda noloshaada dambe.

  1. Waxbarashada adigaa doortay

Ogow iney jiraan arday badan oo aan haysan fursadda aad haysto, markaa waxaa wanaagsan inaad ka faa’idaysato oo fursdda aad haysto Illahay SC uga mahadceliso.

  1. Waxaad kororsaneysaa wixii aad u baahnayd inaad barato

Professor. Tooxoow: “Jaamacadda waxa laga kororsadaa dhaqanka wanaagsan, qiimaha sare ee macallinku xambaarsan yahay iyo dhaqanka suubban ee uu wato ayaan wax loo dhigaa jirin.”

  1. Waxaad baraneysaa waxaan hadhow muraajaco badan kaaga baahneyn si wanaagsanna aad u fahamsan tahay.
  2. Waa fursad aad ku dhisi karto xiriir bulsho oo aad u adag

Inta badan waxaan akhrinnaa in xiriirka bulshada iyo saaxiibtinimada inuu ugu wanaagsan yahay kan lagu sameeyo xayndaabka waxbarashada.

  1. Xilliga muraajacada ee aad wax akhrineyso wakhti badan ayaa kuu beekhaamismaya.

8- Macallinka muxaadarada soo jeedinaya su’aalo toos ah ayaad waydiin kartaa

Waxaan shaki ku jirin in marhajka jaamacadda uu ka adag yahay kan iskuulaadka, si sahlanna aadan dadaalkaaga gaarka ah ku keeni karin, sidaa darteed; markaad xiisadda si maalaayacni ah uga maqnaato wakhtiga imtixaanka ayay kaa go’an tahay.

9- Wajigaaga iyo kan macallimiinta si wanaagsan ayay isku baranayaan

Inkastoo aaney macallimiinta Jaamacaduhu aaney jeclayn inta badan iney ardayga is dhexgalaan ayaa hadana markaad xiisadda u badnaato oo aad ka qaybgasho inta badan muxaadaraadkooda waxaad noqonaysaa qof wajigooda ay la qabsadaan.

Waxaa dhici karta inaad maadada dhibaato kala kulanto markaa hadhow si fudud ayay kuu aqoonsanayaan.

10- Xasuusnow doonistaada ah inaad Qalinjabiso

Soo ma dooneysid inaad qalinjabiso? Waxaa dhici karta maqnaashiyahaaga tirada badan inaad buundooyin aad ku gudbi lahayd ku wayso. Waxaa taa kasii daran marka aad dooneyso inaad waxbarasho dibadda ah oo shahaadooyin sare dalal kale kusoo diyaariso, waxaa muhiim ah inaad darajooyin wanaagsan haysato.

Maandeeq FM

 

 

Related Articles

Close