WacyigelinWararkaWaxbarashada

5 Tallaabood oo Aad Ku Noqoneyso Qof Soo Jiidasho Leh Indhaha Dadka Kale

 

Si aad u noqoto qof soo jiidasho leh indhaha dadka kale, waxaa ugu horreyn lagaa rabaa inaad noqoto qof naftiisa ku qanacsan isla markaana jecel.

Haweenayda caalimadda ah ee dhanka cilmi-nafsiga caanka ku ah ee la yiraahdo Dr Jill Weber, oo wareysi gaar ah siisay wargeyska psychologytoday, ayaa ku talineysa in la raaco 5 tallaabood oo fudud oo aad ku noqon karto qof soo jiidasho leh, tallaabooyinkan intooda badan waa kuwo ku saabsan horumarinta naftaada:

1) Ha Raadin inaad Noqoto Qof Dhameystiran

Shardi maaha inaad noqoto qof dhameystiran xiriiradaada bulshada iyo indhaha cidda aad jeceshahay, in markasta aad dhaliil leedahay arrimo badan ayay kuu sahlaysaa, waana inaad dadka kula dhaqanto dabeecaddaada caadiga ah adigoon wax kallifaad ah aan sameyn.

2) Waxa Wanaagsan u samee Iney Wanaagsan yihiin 

Haddii aad wax wanaagsan u sameyso inaad indhaha dadka kale ku soo jiidato, waxaad ogaataa inaad naftaada dhibaataynayso. Laakiin haddii aad waxa wanaagsan u sameyso inuu wanaagsan yahay adigoon cid kale mahadcelin iyo waxyaabo kale ka sugun naftaada ayay u wanaagsan tahay. Wanaagga u samee naftaada, bulshadaada iyo dadka kale; xitaa kuwa aad u aragato iney noloshaada dhibaato ku yihiin.

3) Naftaada u Noolow

Naftaada waydii waxay ku faraxsan tahay oo samee, raadi waxaad dooneyso inaad xaqiijiso oo gaar; ha eegin cid kale, [laakiin markasta ilaali aasaaska dabarka kugu xiran  ee diintaada suuban iyo dhaqankaaga wanaagsan ah].

4) Ceyri Dhaliisha Gudahaaga Ah

Haddii aad faraxsan tahay dadka kale agtaada waxay ku dareemayaan xasillooni, markaad dooneyso inaad faraxsanaato waa inaad go’aan ka gaarto dhaliilaha gudahaaga ah ee naftaada ka imaanaya, haddiise aad dhaliilahaa dhageysato walwal badan ayaa ku haleelaya oo farxadda kaa luminaya.

5) Naftaada Ku Dadaal

Dadka naftooda muhiimad gaar ah siiya oo daneeya waa kuwa ugu soo jiidashada badan, waxaa waajib ah in nolol maalmeedkaaga ay ka mid noqoto inaad qaadato raashin caafimaad, sports sameyso, xiriirkaaga qoyskana aad wanaajiso.

Maandeeq FM

Related Articles

Close