WararkaWaxbarashada

Iskuul Ay Wax Ku Bartaan Ardayda Dadkii Kasoo Guryo Noqday Xeryaha Qaxootiga Kenya oo Laga Furay Baydhabo

 

Munaasabad lagu daahfurayay iskuul ay wax ku barantaan ardayda dad danyar ah iyo  dadkii kasoo guryo noqday xeryaha qaxootiga dalka Kenya ayaa maalinimadii shalay ka dhacday magaalada Baydhabo.

Munaasabaddan lagu daahfurayay Iskuulka ayaa waxaa kasoo qaybgalay, Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare ee dowladda Soomaaliya Dr.Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan, ku simaha madaxweynaha Koonfurgalbeed Xasan Xuseen Maxamed, Wasiirka waxbarashada Konfur-galbeed iyo wakiillo ka socday Midowga Yurub, waxayna kormeerro kala duwan ku mareen fasalladii ay ardaydu wax ku baranaysay ee gudaha iskuulka.

Wasiirka Waxbarashada Koonfur-galbeed Maxamed Abuukar Cabdi oo ugu horreyn ka hadlay xaflad lagu furayay iskuulka ayaa erayo kooban oo soo dhaweyn ah u jeediyay wafdiga:

“Farxad weyn ayay noo tahay anigoo ku hadlay magaca afka macallimiinta, waalidiinta iyo ardayda iyo waliba magaca Wasaaradda Waxbarashada Koonfur-galbeed.”, wasiirk ayaa ammaan ballaaran u soo jeediyay wafdigii soo booqday, waxaanuu ka hadlay dareenkiisa sida uu ugu faraxsan yahay booqashadooda ay Baydhabo ku yimaaddeen.

Wasiirka Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Daahir ayaa ka mahadceliyay kaalinta midowga Yurub ay ka qaataan waxbarashada, waxaana hadalkiisii ka mid ahaa:

“Annaga maanta farxaddeenna lama soo koobi karo, waxaan u mahadcelinaayaa Koonfur-galbeed oo iskuulkani inuu dhismo  ka shaqaysay, waxaa kale oo aan rabaa inaan u mahaceliyo dowladdeenna Federaalka ah oo qayb kasoo qaadatay.”, waxa uu sidoo kale u mahadceliyay Midowga Yurub oo ka qaybqaata waxbarashada, gaar ahaan dadka qaxootiga ah ee kasoo laabanaya xeryaha qaxootiga.

Si kastaba, midawga Yurub ayaa gudaha Soomaaliya ka wada mashaariic ay ku taageerayaan waxbarashada, gaar ahaan iskuulaadka dadka dib ugu soo guryo noqonaya xeryaha qaxootiga ee dalalka dariska ah.

Maandeeq FM

 

Show More

Related Articles

Close