WararkaWaxbarashada

Aabe Gabadhiisa Yar Hadiyad Ugu Dhigay “Baaskoolad” Si Ay Nafteeda Ugu Difaacdo Gudaha Iskuulka

 

Aabbo Mareykan ah ayaa gabdhiisa yar u soo iibiyay baaskoolad, nooca Ruger22 ah, hadiyad ahaan dhalashadeedii 5-aad, si ay nafteeda ugu difaacdo dhacdooyinka hubaysan ee Iskuulaadka Mareykanka kusoo noqnoqday.

Jariidada “Metro” ee kasoo baxda gudaha dalka Ingiriiska ayaa sheegtay in Joshua Mcdonald oo 26-jir ah uu u soo iibiyay gabdhasiisa Adrianna Baaskoolad, kadib markii uu arkay in gabadhiisa yar ay hubka xiisaynayso, waxaanuu tilmaamay in uu siiyo xiisado tababar ah si ay u barato sida hubka loo rido.

Joshua waxa uu yiri: “Hooyada Adrianna sidoo kale aad ayay u daneysaa arrimaha hubka.. way baratay wax kasta oo dhanka hubka ku saabsan, Siddeeddii sano ee aan wada joognay.”

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay, “Dhacdooyinka dhiigga badan ku daato ee qaar ka tirsan iskuulaadka Mareykanka ka dhacay markii aan aragnay, waxaa lagama maarmaan noqotay iney gabadheennu diyaar u noqoto xaalad kasta oo degdeg ah.”

Si kastaba, Talaaladii lasoo dhaafay ayaa waxaa rasaas laga dhex maqlay dugsi sare oo ku yaalla magalaada Great Mills ee gobolka Maryland oo 90-daqiiqo looga socdo caasimaadda Mareykanka, dhacdadaas oo ay ka dhasheen dhaawaca Labo qof, halka qofkii weerarka soo qaaday uu dhaawac soo gaaray u geeriyooday.

Maandeeq FM

Related Articles

Close