CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Dadka Cabitaannada Jecel oo Waajahaya Dhibaatadan Caafimaad

 

Daraasad ay sameeyeen qaar ka tirsan khubarada sayniska Mareykanka ayaa lagu ogaaday in dadka caba 680g oo cabitaan ah ay khatar ugu jiraan iney u geeriyoodaan cudurrada wadnaha in ka badan Labo laab dadka asaagooda ah ee caba cabitaan ka yar 200grams(= halkoob) maalintii.

Dr Jane O’Shea oo iyadu hoggaaminaysay daraasaddan ayaa sheegtay in natiijooyinka ay gaareen ay lagama maarmaan ka dhigayso in la iska yareeyo cabitaannada ay sonkortu ku badan tahay.

Waxay hadalkeeda sii raacisay “Daraasaddan waxay khusaysaa oo kaliya cabitaannada, laakiin wax xiriir ah lama laha cunnooyinka ay sonkortu ku badan tahay.”

Daraasaddan ayaa waxaa ka qaybqaatay in ka badan 17.6 kun oo qof , waxayna socotay muddo Lix sano ah.

Maandeeq FM

Related Articles

Close