arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Dowladda Shiinaha oo Qosolka iyo Maada Ka Mamnuucday Telefishanka Iyo Internetka

 

Xukuumadda Shiinaha ayaa mamnuucday in laga sii daayo muuqaallada qosolka  iyo maada ah telefishinnada iyo baraha Internet-ka, waa sida uu sheegayo wargaysa “South China Morning Post” ee kasoo baxa gudaha dalka Shiinaha.

Saraakiisha Shiinayska ah ayaa aaminsan in faafinta muuqaallada qosolka ah uu wiiqayo, aasaaska bulshada ee Shuuciga ku dhisan.

Sida ku qorneyd degreetada rasmiga ah oo kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping oo la gaarsiiyay saxaafadda, idaacaacadda iyo telefishinka, waxaa xayiraad lagu soo rogay muuqaalda “dhibaataynaya suugaanka iyo farshaxanka calassic-ga ah ee dhaqanka Shiinaha.

Wu Jian oo ah falanqeeye siyaasadeed oo Beijing dagan ayaa aaminsan in qofka diida inuu dhaqan geliyo shuruucdan cusub loo diidi doono inuu ka sii shaqeeyo telefishinka. Halka website-yada la xayiri doono.

Kooxda dhanka madadaalada ee la yiraahdo “JustXiait” oo ka tirsan kooxaha muuqaallada ila-qosolka ah alifa ayaa masaxay dhammaan muuqaaladii qosolka lahaa ee ay horey u sameeyeen iyagoo fulinaya qaanuunka cusub ee soo baxay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close