CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Maalinta Caalamiga ah ee Qaaxada.. Ka Ogow Cudurka 10 Xaqiiqo oo Muhiim Ah

 

Dunidu waxay maanta oo kale Maarso 24, sanad kasta u dabaaldagtaa maalinta caalamiga ah ee cudurka Qaaxada, si dadka loogu wacyigeliyo raadkiisa taban ee uu ku yeesho Caafimaadka, Bulshada iyo Dhaqaalaha.

Maanta waxay sidoo kale ku beegan tahay maalintii uu Dr. Robert Koch uu helay bakteeriyada Modern ee keenta cudurka Qaaxada sanadkii 1882.

Cudurkan illaa hadda waxa uu ka mid yahay cudurrada ugu khatarta badan, sanad kastana waxa uu ku dhacaa dad farabadan oo daafaha kala duwan ee dunida ku nool.

Sida ururka caafimaadka adduunka uu sheegayo, cudurku waxa uu dilaa in ka badan 4500 oo qof maalintii. Cudurka qaaxada ee dawada iska caabiya ayaa ah dhibaatada ugu badan ee soo waajahday caafimaadka dunida, waxyaabihii laga dhaxlay la dagaalanka cudurka iyo daweyntiisana khatar ku ah.

10 Xaqiiqo oo Cudurka Qaaxada Ku Saabsan

  1. Dalka India ayaa ugu horreeya adduunka

Sanadkii 2015, waxaa laga diiwaangeliyay gudaha dalkaas 10.4 milyan oo qof oo cudurku uu soo ritay, waxaa kusoo xiga Indonesia, Shiinaha, Nigeria, Pakistan, Konfur-Afrika.

  1. Waa mid ka mid ah sababaha ugu badan ee loo geeriyoodo. Sanadkii 2015 waxaa u geeriyooday sababtiisa 1.8 milyan oo qof, waxa uu ka mid yahay 10 sababood ee ugu badan ee aadanuhu u geeriyoodo, waxaa ka horreeya Duumada iyo AIDS-ka.
  2. Qaaxada daawada adkaysiga u leh

Qaaxada daawada adkaysiga u leh waxay ku dhacday sanadkii 2015, 480000 (Afar boqol iyo Sideetan Kun) oo qof, xaaladaha qaar markii dadkaa dawayntooda xumaato, waxay uga sii dartay cudurka oo dadkaa kusii xumaaday.

  1. Waa sababta koowaad ee bukaanka HIV AIDS u geeriyoodaan

Sanadkii 2015, dadka u dhintay HIV 78%, waxay sabab sadeen cudurka qaaxada.

  1. Qaaradda Asia ayaa dadkeedu ugu badan yahay

87%, xaaladihii faafista cudurka 2015, waxa uu ahaa qaaradda Asia.

  1. Kala duwanaanta Daaweynta

Daawaynta cudurkan waxaa ku badbaaday 48 milyan oo qof inta u dhaxaysay 2000 ilaa 2015, in dadka cudurka qabaa ay ka daawoobaan waxay gaartay  83% sanadkii 2014.

  1. Hoos u dhac caalim ah

Cudurka waxaa laga dareemayaa hoos u dhac caalami ah laga soo bilaabo 2000 ilaa 2015 oo gaaray 22%. Yurub iyo Bariga-dhexe si xoog ah ayuu hoos ugu dhacay, halka Afrika weli hoos u dhacu gaabis yahay.

  1. Maalgelin dheeraad ah oo loo baahan yahay

Dowaladaha dakhligoodo hooseeyo iyo kuwa uu dhex-dhexaadka yahay waxay u baahadeen 8.3 sanadkii 2016, si ay cudurka ula dagaalamaan, lacagtaas illaa iyo hadda waxaan la helin 2 bilyan oo dollar, gaabka u dhexeeya dowladda wuu sii ballaaranayaan marka la gaaro 2020.

  1. Caruurta ayaa ugu daran

Hal-milyan oo caruur ah ayuu ku dhacay sanadkii 2015, waxa u geeriyooday 210,000 oo 40,000 oo ka mid ah ay qabeen HIV AIDS. Inta badan dadka cudurka daaweeyaa caruurta way iska indha tiraan daaweyntooda oo adag darteed.

10. Qoraal daraasad lagu sheegay oo ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya Maarso 24, 2018, ayaa lagu xusay in uu cudurku hayo 60,476(Lixdan kun Afar Boqol iyo Todobaatan iyo Lix Qof) Gudaha dalka Soomaaliya.

Maandeeq FM

Related Articles

Close