CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Daraasad: Faa’iidooyinkan Ayaa Laga Dhaxlaa Marka Aad Raashinka Iska Xakameyso

‘Raashin yarida cimriga ayay dheeraysaa’, waa xikmad muddo dheer ku shaacsaneyd dadka dunida dhexdiisa, ilaa ay ka gaarto heer uu cilmigu sugo xaqiiqada xikmaddaas oo baaritaan lagu sameeyo.

Daraasad caafimaad oo dhawaan la sameeyay ayaa lagu ogaaday in Calories-ka  raashinka laga helo oo la yareeyo ay kaalin lama filaan ah ka ciyaarto duqnimada oo dib u dhacda.

Daraasaddan ayaa lagu sameeyay dad raashinka ay qaadan jireen iska yareeyay, waxaa la arkay in dadkaa ay hoos u dhacday howsha “metabolic” ee keenta duqnimada.

Daraasaddan ayaa waxaa ka qaybgalay 200 oo qof oo raashinka iska xakameeyay muddo Labo-sano ah, waxaa caddatay markii uu baaritaankii lagu waday dhammaaday in heerka “metabolic” uu hoos u dhacay, kadib markii uu miisaankooda ay ka lumiyeeen in u dhiganta celcelis ahaa 9 Kg.

Sidaas oo kale waxaa hoos u dhacday baraysharka oxidative-ka loo yaqaanno ee xiriirka la leh cudurrada dhiig-karka, Sonkorta, Alzheimer’s, iyo cudurro kale oo la xiriira da’da.

Sidaad darteed, daraasaddan ayaa natiijadii kasoo baxday noqotay in raashinka kooban uu dhiirrigeliyo unugyada mas’uulka ka ah howlaha calorie, hormoonnada iyo genes-ka, kuwaas oo dhammaantood ka qaybqaatay in dib loo dhigo caalamadaha biology-ga ah ee xiriirka la leh duqnimada.

Maandeeq FM

Related Articles

Close