WararkaWaxbarashada

Dhageysiga Luqadaha Shisheeye ee Xilliga Hurdada Waxay Kaa Caawisaa Inaad Barato

 

Daraasad cusub oo si wadajir ah ay u sameeyeen labada jaamacadood ee kala ah Zurich iyo Freiburg, ayaa daaha-ka-rogtay in dhageysiga erayada cusub xilliga hurdada uu dadka ku taageerto iney si sahlan u xifdiyaan.

Daraasaddan oo lagu faafiyay joornaalka “Cerebral Cortex Oxford“, Ayaa waxaa ka qaybgalay 60-qof oo Luqadda Jarmalka ku hadla, waxaana laga codsaday iney bartaan tiro erayo ah oo Luqadda Dutch-ka ka tirsan.

Dadkaa qayb ka mid ah hurdo ayay ku dhagaysteen oo waxaa loo shiday cod khafiif ah, halka kooxda kale ay soo jeedeen oo iyagana loo shiday lana dhagaysiyay erayada cusub ee Luqada Dutch-ka ah.

Waxaase xiiso lahayd, dhowr saacadood kadib ayaa labadii kooxood la tijaabiyay, cilmibaarayaashii waxaa u soo baxday in kooxdii hurudday ay ka xifdi wanaagsanaadeen kuwii soo jeeday.

Iyagoo natiijadaa ka tixraacaya, ayaa cilmibaarayaashu ay tilmaameen in kalmadaha xilliga hurdada la dhageystaa ay kaa garab siinayaan inaad si fudud ku xifdiso.

Dr. Bjorn Rush oo ah shakhsigii daraasaddan hoggaaminayay ayaa yiri: “Kuuma suuraggal aha inaad eray cusub barato adigoon macnahooda fahmeyn, laakiin howshani waxay kugu taageeraysaa iney eraydu maskaxda ku qormaan, waa marka aad dhagaysatay inta aadan seexan ka hor [xilliga hurdadana aad ku ceshato].”

Ku darso intaa, cilmibaarayaashu waxay ogaadeen, waxbarashada inteeda badan waxay timid xilliga hurdada uu qofku si wanaagsan ugu jiro, waa hurdada qotoda dheer ee aan riyada lahayn, taas oo inta bada ah qaybta koowaad ee habeenka. Si aad u hesho natiijada ugu wanaagsan waa inaad dhagaysiga shidato inta u dhaxaysa 12-2 habeennimo, waa marka aad seexato 11-habeennimo.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close