arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Eedaysane 31-sano Kadib La Ogaaday Inaanuu Wax Dambi ah Lahayn… Sidan Ayuu Magdhowgiisa u Helayaa

 

Xabsi ayuu ku qaatay 31-sano, waxaa la caddeeyay inaanuu wax dambi ah lahayn “Lawrence McKinney” marka uu gaaray  61- jir, waxaa loo haystay boob iyo kufsi darajada Koowaad ah.

Sida ay qortay jariidada “The Independent” McKinney ayaa la qabtay isagoo 22-sano jir ah, waxaa lagu tuhunsanaa boob iyo kufsi darajada koowaad ah, waxaa farta ku fiiqday haweenay la sheegay uu gurigeeda ku weerar, waxaana xilligaa lagu xukumay xabsi 115-sano ah!.

Laakiin, dib u eegis lagu sameeyay kiiskiisa 2008, oo baaritaanno dhanka DNA ah lagu sameeyay ayaa lagu helay saddex nooc oo hidde-side ah oo midkoodna laga waayay hidde-sidaha Mckinney. Markaa eedaymihii loo haystay oo dhan waa la baabi’iyay, waana la soo daayay kadib markii 31-sano oo cimrigiisa ka tirsan uu ku qaatay jeelka.

Hadaba, si magdhow loo siiyo wixii ka dayacmay noloshiisa,  golaha dacwadaha gobolka Tennessee ayaa waxay u codeeyeen in la siiyo magdhowga ugu sarreeya ee Mareykanka laga bixiyo, waxa uu helay 1-milyan oo dolar, $353,000 waxaa loo siinayaa si uu iskaga bixiyo kharashaadka qareennada, lacagta usoo harta waxaa loo siinayaa si bille ah oo muddo 10-sano ah loo yaryareynayo, iyadoo bishii ay usoo dhacayso lacag ku dhaw $3,350.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close