arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Gabadh Da’yar ah oo Farriin u Qortay Tuuggii Xaday Baaskiiladeeda.. Lama Filaan Ayaase Albaabka u Soo Gargaraacay

 

Amanda Needham, qisada gabadhan yar kuma aaney bilaaban si wanaagsan, laakiin dhammaadkeeda ayaa ahaa mid farxadeed.

Waxay soo iibstay baaskiilad ay si gaar ah u dooneysay iney shaqada ku aaddo, waa laga xaday oo waxaa loo reebay lugtii hore iyo qufulkii ay ku xirnayd oo qura, si ay murugadeeda u muujiso ayaa waxay sameysay arrin dadbadan soo jiidatay.

Intii ay booliska gaarsiin lahayd dhacdada qabstay ayaa waxay boodh ku dhajisay afaafka hore gurigeeda, waa farriin ku socota tuuggii xaday, waxay ku qortay:

“Farrintani waxay ku socotaa qofkii baaskiiladayda iga xaday. Waxaan rajeynayaan inaad iiga baahi badan tahay. Waxaan soo iibsaday iyadoo aan cusbayn, waxaa la iga siiyay $200, waxaan ugu talaggalay inaan shaqada ku aado, midda kale inaan soo iibsado ma karo. Marka dambe waxaad xaddaa baaskiilad nooca tarmada  Peugeot ee qaaliga ah, waxaanad ka xaddaa qof hantiile ah ama wax dambe ha xadin weligaa. Waxaan kaa codsanayaa inaad ii soo celiso baaskiiladayda [kollay adiga waxba kuuma tareysee].”

Instagram-keeda ayay ku faafisay sawirka boodhkeeda, waxa uu 7 cisho surnaa gurigeeda, wax u soo noqday weli ma jiraan, laakiin wixii dhacay ayaa cajiib ahaa.

Saddex Jeer ayaa Guriga loo Soo Garaacay

Hashtag ay sameysay #KaramaCycle ayaa aad ugu faafay baraha bulshada, waxana gurigeeda soo gargaraacay dad farabadan oo ka codsanayay iney ay  boodhka sawirtaan.

Waxaa guriga u soo gargaraacay nin u soo bandhigay inuu baaskiiladiisa siiyo, halka haweenay kale u sheegtay iney baaskiilad u raadineyso oo marka ay mid soo heshana aaney ka hagraneyn.

Ugu dambeyn, gurigeeda waxaa soo gargaraacay Steven S. Powers oo ah gacansade dhanka farshaxanka ah, waxa uu u soo bandhigay $200 inuu kaga iibsado boodhkii ay gacanteeda ku sawirtay, waana lacagtii ay markii hore ka bixisay baaskiilka, Needham, way ku qanacday, oo way ka iibisay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close