WararkaWaxbarashada

Mareykan Aaminsan Inuu Dhulku Fidsan Yahay oo Ku Duulay Gantaal Uu Gacantiisa Ku Sameeyay

Mike Hughes oo ah 61 jir, kana soo jeeda California, ayaa waxa uu aaminsan yahay inuu dhulku fidsan yahay oo sidii kubaddii oo kale aanuu ahayn, waxa uu ku safray dusha sare gantaal uu gacantiisa ku sameystay.

Sabtidii ayuu Gantaalka uu ku duulay, waxa uu gaaray masaafo dhulka ka sarreysa 570-mitir. Waxa uu ku korduulay dusha sare ee deegaanka cidlada ah ee magaalada Amboy ee ku yaalla koonfurta Califronia, waxa uun baarashuud kula soo dagay lama dagaanka Mojave oo 450-mitir u jira meeshii uu markii hore ka duulay.

Gantaalka ayaa Labo qaybood u qaybasamay markii uu dhulka kusoo hoobanayay, waana sida uu markii hore qorsheeyay Hughes.

Duulista noocan oo kale ayaa Hughes u qorsheysnayd ilaa 2017, laakiin dhowr jeer ayaa dib loo dhigay sababo dhanka teknoolajiyadda ah awgeed, waxa uu saxaafadda u sheegay inuu hadda nafis dareemayo. Waxa uuna sheegay inuu xoogaa dhibaato ah uu ka dareemayo dhanka dhabarka.

Hughes ayaa aamisan, sida uu caddeysto muuqaallo hore oo YouTube-ka yaalla in dhulku uu fidsan yahay. Isla markaana uu jecelyahay inuu mar un soo saaro gantaal ka garab siiya inuu gaaro hawada sare ee fog, si uu mar un gacanta ugu soo dhigo caddayn wax ku ool ah oo waxa uu aaminsan yahay ka garabsiisa. Ninkani kuma qanacsana wakaaladda cirbixiyeenka Mareykanka ee NASA waxa uu aaminsa yahay iney xaqiiqooyin badan dadka caadiga ah ka qariyaan.

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close