CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

14 Faa’iidooyin Caafimaad ah oo Vitamin “D” Laga Helo

 

Vitamin “D” waxa uu ka mid yahay Vitaminada ugu muhiimsan ee jirka aadanaha, jirku waxa uu ka helaa faa’iidooyin caafimaad oo tiro badan.

Vitamin D, waxaa laga helaa caanaha, kalluunka, guud ahaan cunnooyinka badda, ukunta, beerka, shucaaca qorraxda oo 10-20 daqiiqo la isku dhigo maalintii.

Faa’iidoyinkiisa caafimaad ee uu leeyahay waxaa ka mid ah:

  1. Dheellitiranka Calcium-ka ayuu jirka u ilaaliyaa.
  2. Khatarta cudurrada Dhiigkarka la xiriira ayuu yareeyaa.
  3. Macdantu iney dagto lafaha ayuu ka shaqeeyaa.
  4. Soo nuugista jir ee Phosphorus-ka ayuu kordhiyaa.
  5. Habdhiska difaaca jirka ayuu kordhiyaa.
  6. Kansarka ayuu ka hortagaa.
  7. Miisaanka jirka ayuu dhimaa.
  8. Ilmaha caloosha ku jira ayuu sumowga ka ilaaliyaa.
  9. Garaaca wadanaha ayuu xakameeyaa.
  10. Caafimaadka caqliga ayuu ilaaliyaa.
  11. Khatar Alzheimer-ka ayuu yareeyaa.
  12. Lafaha ayuu kobciyaa.
  13. Cudurrada autoimmune diseases-ka ah ayuu ka hortagaa.
  14. Niyad-jabka ayuu la dagaalamaa.

Maandeeq FM

Related Articles

Close