WararkaWaxbarashada

Caalimadda Astronimyga Jill Tarter: Aadanuhu Waxay Heli Doonaan Nolol Aan Dhulka Ahayn 2100

 

Jill Tarter oo ah caalimad astronomy-ga ku takhasustay una dhalatay dalka Mareykanka ayaa sheegtay in adduunyadu gaari doonto noolaha adduunyada kale ku nool Qarniga soo aaddan.

Hadalkan ayay ka jeedisay shirweyanahii maamulka Ilbaxnimada oo dhawaan uu soo qabanqaabiyay mac’hadka Florida ee Teknoloojiyadda, waxayna tilmaantay in sanadka 2100 la gaari doono jawaab ku aaddan xaqiiqada jiritaanka makhulaaqaad kale ee ku nool duni aan dhulka ahayn.

Sida ay qortay jariidada Daily Mail, Tarter oo hadda 74-jir ah, waa madaxa qaybta cilmibaarista barnaamijka NASA ee nolosha dunida ka baxsan, nolosheeda inta badan waxay ku qaadatay si ay u raadiso noole duni kale ku nool iyo nolol meel aan dhulka ahayn ka suurtaggal ah, waxay sheegtay in sababah noole duni kale ku nool loo heli karo ay kow ka tahay telescope-ka “Allen” oo samada dulmar guud ku sameyn doona[kadib marka horumarin lagu sameeyo], si loo ogaado nolosha duni kale ka jiri karta.

Waxayna hadalkeeda sii raacsiiyay; “Waxaan aaminsanahay marka la gaaro 2100 in aan joogi doonno meel aan dhulka ahayn oo noloshu suurtaggal ka tahay”.

Waxay tilmaantay in raadinta nolosha duni kale ka jirtaa ay ku suurtaggalayso in la baadigoobo raadka haraadiga nolol hore ee Meerayaasha laga heli karo.

 

Maandeeq FM

Related Articles

Close