JaamacadahaWararkaWaxbarashada

Qaar Ka Mid Ah Siraha Cilmiga ah ee Daahsoon Fasiraadooda Aan Weli Lahayn

 

Website-ka FB.ru ee dalka Ruushka laga leeyahaya ayaa sameeyay warbixin uu kaga hadlay siraha cilmiga ah ee weli fasiraadooda ay ku fashilmeen culumada-sayniska. Iyadoo ay jirto in horumar baaxad leh laga gaaray dhanka Sayniska ayaa hadana waxaa jira Halxiraalayaal aan weli u suurtaggalin cilmiga inuu gaaro.

Culuumtii hore iyo falsafadiisa guud ahaan waxay ka tageen siro badan oo daahsoon, waxaa dib loo xasuustaaa halxiraayaashaa doonis aadnaha ee ku aadan inuu ogaaday sababaha dhacdooyinka qaar ee illaa hadda la gari la’yahay.

  1. Sida ay Noloshu Uga bilaabatay Adduunka

Bilowgii hore ee nolosha weli waxaa ku dahaaran sir farabadan,waxaa laga yiri aragtiyo kala duwan, weli lama gaarin aragti midaysan oo la isku raacsan yahay.

  1. Dhismaha Ahraamta Masar

Waxaa sidoo kale aad la iskugu khilaafsan yahay sidii lagu dhisay ahraamta, khubarada qaar ayaa aaminsan in dhimha Ahraamta loo adeegsaday qalab sir ah oo faraaciintii hore lala aasay, halka ay dhismahaa faro ku lahaayeen ilbaxnimo kale oo duni kale ka timid.

  1. Jiritaanka Duni kale oo Noole ku noolyahay

Iyadoo ay jirto in safarro badan oo dhanka cirka ah la galay nolol meel ay ka jiri kartana aad loo raadiyay ayaan ilaa iyo hadda la hayn noole kale oo duni aan dhulka ahayn ku nool oo la xaqiijiyay

  1. Xayawaanka “Tardigrade

Waa xayaanka adduunka ugu awoodda badan, waxa uu noolaadaa 200 oo sano, waxa uu ku caan yahay tallaabo yarida, waxa uu ku noolaan karaa goobaha ugu kulul isagoo waxna cunin waxna cabin. Waxaa la aaminsan yahay inuu duni kale ka yimid, halka saynisyahannada qaar ay aaminsan yihiin inuu xaywaannada dhulka ka mid yahay, iyadoo ay jirto teknooliyadda casir ah ee DNA ay aad u horumartay, ayaa hadana weli la ogaado nooca iyo kooxda xayawaan ee uu ka tirsan yahay.

  1. Sanadkii 2017, waxaa dhacday dhacdo layaab ku noqotay saynisyahannada, kadib markii Octopus tiro badan ay marqura badda kasoo baxeen xeebaha Wales, arrintaas oo dood ballaaran ka dhalisay saynisyahannada, qaarkood waxay ku sheegeen duufaanno ku dhuftay halkii ay daganaayeen halka kuwo kalena ay ku macneeyeen kororta dadka ee sii badaneya iney keentay cadaadiska ay badda kaga soo baxaan!.         
  2. Amelia Earhart

Waxay haweenaydii ugu horreysay ee ku korduusha Badweynta Atlantic-ga, diyaaradeedu waxay ku kor burburtay badweynta Baasifiga, xilli ay dooneysay iney dhulka oo dhan kusoo kor wareegto sanadkii 1937, illaa iyo maanta lama helin burburka diyaaraddii ay la socotay. Waayiddii haweenaydaa waxay noqotay halxiraalaha Qanigii Labaatanaad.      

  1. Waxaa kale oo illaa maanta cilmigu ku wareersan yahay xalka halxiraalaha, yaa hor yimid ukunta iyo doorada(digaagadda)?

Waa su’aal taagneyd laga soo bilaabo bilowgii hore ee taariikhda ilaa iyo maanta, cid xallisayna la waayay. Saynisyahanno UK ah ayaa isku dayay xalka halxiraalahan, waxay sheegeen in xuubka sare ee ukuntu aaney sameysmi karin borotin la’aan, sidaa darteed, inta aan dooradu soo bixin ay ukumo badan horey u jireen. Waxaa halkaa laga soo dhiraandhiranayaa iney dhici karto in ukuntu horreysay inta inaan dooro la helin.

  1. Hurdada

Waxaa cid kastaaba ogtahay kaalinta muhiimka ah ee hurdadu ka ciyaarto nolosha aadanaha, waxaase illaa hadda lagu wareersan yahay, sababta noolaha qaar aaney wax hurdo ah ugu baahneyn, sababha baahida hurdada keenta, shaqooyinkeeda, halka aragtiyada cusub ee dhawaangalka ah ay sheegayaan iney hurdadu maskaxda ilaaliso.

Si kastaba, arrimahaa aan soo xusnay iyo qaar badan oo kale waxaa jira fasiraad Diimeed oo loo heli karo, waxaanse halkan ka hadlaynnay oo qura dhanka cilmiga ee ku tiirsan itus iyo itaabsii.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close