WararkaWaxbarashada

Qalliin Dhanka Maskaxda ah Ayaa Lagu Sameeyay Isagoo Soo Jeeda oo Wacyigiisu Taam Yahay.. Maxaa Ku Khasbay Inuu Soo Jeedo?

 

Waxaa qalliin lagu sameeyay Zhi Long oo 23-jir ah isagoo soo jeeda oo aan wax suuxid ah lagu sameyn, waxa laga qalaayay nabar kansar ah oo dhanka maskaxda kaga yaallay, waxa uu is ogaaday inuu cudurka qabo, kadib markii uu si mutadawacnimo ah u ogaaladay in lagu tijaabiyo aalad sawir ah oo ku cusub isbitaalka sanadkii 2017.

Dhakhaatiirtu waxay goosteen iney qalliin ku sameeyaan si aan cudurku jirka intiisa kale ugu faafin, waxaa qalliinka lagu sameeyay isagoo soo jeeda oo wacyigiisu uu taam yahay, si loo hubiyo in xarumaha Luqadda aaney wax dhibaato ah soo gaarin.

Sida ay qortay jariidada “News Week“, Ng Wai Hoe, oo ah dhakhtarkii qalliinka ayaa sharraxay sida ay bukaanku go’aan uga gaareen in qalliin lagu sameeyo iyagoo soo jeeda, gaar ahaan markii waxa la daawaynayaa ay yihiin xubno xasaasi ah oo khatar badan.

Wai waxa uu yiri: “Waa la ogaalan karaa in qalliinka suuxid la’aan la galo, gaar ahaan markii nabarku ku yaallo meel xasaasi ah gudaha maskaxda, tusaale ahaan xarunta saldhigga u ah Luqadda xilliga uu qofku soo jeedo, goobahaa si wanaagsan ayaa loo arki karaa, anagoo adeegsaneyna dhiirrigelin korontada.”

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay in “Koronto khafiif ah ay kor marineyneen dusha sare ee goobaha maskaxda, si aan u soocono goobaha hadalka, waxaan ku eegannaa meelaha aaminka ah ee aan dilaacin karno xilliga qalliinka.”

Qalliinka kadib ayaa dhakhaatiirtu arkeen in weli nabarkii aanuu si dhameystiran uga baabi’in maskaxda Long, dhowr isbuuc oo ku daawaynta shucaaca ah ayaa la marsiiyay, kadib 8-bilood oo dawayn kiimiko ah ayaa loo raacsiiyay, kaas oo dhammaaday Janaayo sanadkan 2018.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close