WacyigelinWararkaWaxbarashada

Qof Kaliya oo Kaa Hortaagan Inaad Maalqabeen Noqoto!

 

Xiriirka aad dadka kale la leedahay ma saameeyo xaaladaada nafeed oo qura ee waxa uu saameyn ku yeeshaa ilahaaga dakhliga, waana aragtida ay dadka maalqabeennada ah isku raacsan yihiin.

Qoraaga caanka ah ee Tom Carley oo arrintan ka hadlay ayaa carrabka ku adkaynaya in dadka xuni ay qofka ka horistaagaan inuu horumar dhanka nolosha ah sameeyo. natiijadana ayuu gaaray kadib markii uu daraasad ku sameeyay caadooyinka dadka taajiriinta ah oo muddo 5-sano ah uu baaritaan ku hayay, waxa uu ogaaday iney hal qof ay si wadajir ah u necebyihiin iney la saaxiibaan waa qofka xun ee xumaan sheegga ah.

Carley buug uu qoray oo la yiraahdo “Change Your Habits, Change Your Life” ayaa waxa uu ku sharaxay ragga taajiriinta ah iney yihiin kuwo aad uga taxadara dadka ay saaxiibada ka dhiganayaan ee garabkooda taagan. waxay raadiyaan dadka leh, hadaf nololeed oo cad iyo kuwa yididiilada badan ee dhiirrigeliyaasha ah, noloshana si wanaagsan u arka ee dhiirran.

Qoraagu waxa uu tilmaamay in 86% dadka taajiriinta ah ee nolol maalmeedkooda uu daraaseeyay, ay u janjeereen dhanka dadka leh fikiradaha guulaysta.

Waxaanuu fasiraad ka bixinayaa dadka ku hareeraysan dadka taajiriinta ah ay yihiin kuwa dhiirirgeliyayaal ah oo  firkado guuleed leh.

Qoraa Tom Carley waxaa aragtidiisa ku raacsan, saxifaga Napoleon Hill oo isna gaaray natiijo tan Carley oo kale ah, waxa uu la kulmay 500 milyaneer,  waxa uu qoray buugiisii ugu iibsiga badnaa 81-sano ka hor ee “Think and Grow Rich“, waxaana uu sheegay “Inaan wax rajo ah laga qabin inuu gacansaduhu guulaysto, mar haddii ay dadku kaga cararayaan shakhsiyaddiisa xun.”

Ugu dambeyn, Tom Carley, buuggiisa waxa uu ku soo koobayaa farriintan muhiimka ah: “Ka Fogow dadka xun, waxay kaa horistaagayaan guushaada.”

Maandeeq FM

 

 

 

 

Show More

Related Articles

Close