TiknoolojiyadaWararkaWaxbarashada

Aadanuhu Mustaqbalka Ma Waxay Noqon Doonaan “Superheroes”?

 

Ma ku fakartay weligaa inaad hesho awoodda kaa maqan iyo inaan noqoto qof haysta awoodaha ay leeyihiin noolaaha kale ee aadanaha ka awoodda badan, waxaa dhici karta inaad fursadaa hesho mustaqbalka dhow, horumarka dhanka teknoolajiyadda ah ee adduunyadu marba marka ka dambeysa uu ku tillaabsanayo awgeed, robot-ka iyo qalabka kale ee Smarts-ka ayaa ka dhigaya  inaad yeelato awood cajiib ah oo aaney cidina u babacdhigi karin.

Dhar Robot-ka Naafada

Shirkadda Cyberdyne ee dalka Japan ayaa waxay horumar ku sameysay xubno robot ah oo sidii dharkii oo kale loo xiranayo, caqiligana aad ka maamuleyso oo la shaqeynaya dareemayaasha jirka, waxaa loogu talagalay si gaar ah dadka lugahooda iyo gacmahooda shilalka ku waaya iyo kuwa kale ee naafada ah ee xubno la’aanta ku dhasha.

Dharka Xamaaliga

Shirkadda Panasonic ee dalka Japan ayaa iyaduna horumarisay dhar smarts ah oo la labisayano, looguna talagalay shaqaalaha xamaalka, waxay ku taageerayaan iney wax ku qaadaan si sahlan, qalabkana ayaa magaciisu yahay Assist Suit AWN-03, waxaana ku diyaarsan batari awood badan oo si xiriir ah u shaqeyn kara 8-saacadood, waa dhar khafiif ah oo aan wax culeys ah oo sidaa u sii buuran aan lahayn.

Dharka Hal Robot Suit

Markaan eegno dharka Hal Robot Suit ee loo yaqaanno dharka taageerada ah, qofka isticmaala waxaa u suurtaggal ah inuu qaado culays 40 Kg ah si sahlan oo fudud, waa dhar murqaha jirka taageeraya.

Dharka taageerada shaqaalaha Dhismaha

Shirkadda Daiwa House ee dalka Japan ayaa horumarin ku sameysay qalab taageera shaqaalaha dhismaha, waxaa laga xiran karaa dhexda, waxay jirka ku taageerayaan inuu qaado culayska farabadan weliba si sahlan, shirkaddu waxay sheegaysaa iney dharku ku taageeryaan qofka shaqaalaha ah inaanuu dareemin culayska uu wado in u dhiganta  40%, miisaanka qalabkan ayaa gaaraya 3 Kg oo qura.

Maandeeq FM

Related Articles

Close